Xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka oo u kicitimay Nairobi
Hargeysa, 28, April 2012 (SDN)- Xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa u kicitimay dalka Kenya xaruntiisa Nairobi.
Ujeedada safarka xubnahan ayaa la sheegay inay la xidhiido sidii ay dhaqaale ugu raadin lahaayeen doorashada goleyaasha deegaanka si ay u cayiman wakhtiga ay doorashadu qabsoomayso.
Saddex xubnood oo ka mid ah guddida doorashooyinka oo kala ah Guddoomiyaha Komiishanka Ciise Yuusuf, afhayeenka Komiishanka Axmed Muxumed Geelle iyo Cabdifataax Ibraahim Xasan ayaa waxay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya u tageen sidii ay deeq-bixiyayaasha ugala soo hadli lahaayeen qabashada doorashada deegaanka oo ay go’aamiyeen inay ka qayb-galaan lix urur siyaasadeed iyo saddexdii xisbi qaran ee hore u jiray, waxaana marka dee-bixiyayaashu balan-qaad dhaqaalaha doorashada guddidu ku dhawaaqi doonaan wakhtiga ay doorashadu qabsoomi doonto.
Komiishanka doorashooyinka ayaa todobaadkii hore cadeeyay inay u hawl-galayaan sidii ay u heli lahaayeen qaadhaankii deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera horumarinta dimuqraadiyada si ay u qabtaan doorashadii golayaasha deegaanka oo lagu waddo inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada sanadkan 2012-ka.
Ururada siyaasada ee komiishanka doorashooyinku u asteeyay inay Doorashada deegaanka ka qayb-galaan ayaa kala ah NASIYE, WADANI, UMADDA, RAYS, XAQSOOR Iyo DALSAN iyo waliba saddexdii xisbi siyaasadeed ee hore u jiray.
SDN, Hargeisa