Xubno ka tirsan Guurtida oo dhawaan hawlo nabadeed u tagey Kililka 5aad oo ka warbixiyay safarkooda
Hargeysa, 29, Mar (SDN)- Xubno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Joogtada Muxumed Aw-axmed ayaa ka soo noqday deegaannada Kilalka Shanaad ee Itoobiya gaar ahaan deegaanka Gaashaamo, halkaasoo dhawaan ay colaadi ka dhacday.
Xubnahan ayaa manta ka warbixiyay safarkoodii nabad-doonimo ee ay ku tageen magaalooyinka Jigjiga iyo Gaashaamo iyo waliba kulamadii ay la yeesheen madaxda deegaanadaas Muxumed Aw-axmed iyo Xaaji Cabdi Waraabe oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay hawl nabad-doonimo ay u tageen deegaanadaas, halkaasoo ay kulamo kula yeesheen madaxda sare oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida.
Mudanayaashani waxay sheegeen inay heshiis la soo gaadheen madaxdii ay halkaas kula kulmeen, isla markaana qaab nabadeed lagu dhamaynayo shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Gashaamo.
Sidoo kale, waxay sheegeen in la sii daayay dadkii ay Itoobiya ka qab-qabatay deegaanka Gaashaamo.
SDN, Hargeisa Somaliland