Xubno ka Soo Jabay Ururkii Xaqsoor lana bahoobay Xisbiga Kulmiye oo u Jawaabay Xildhibaan Dogox iyo Baaq ay direen
Hargaysa 22.Sep 2013 (SDN)- Qaar ka mid ah Siyaasiyiintii Ururkii Xaqsoor ee dhawaan ku biiray Xisbiga Kulmiye ayaa Jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xidhibaan Saleebaan Dogox oo ka Mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka oo Shaaciyay in Siyaasiyiintii iyo Waxgaradkii ku biiray Xisbiga Kulmiye inaanay ka mid ahayn Urur Siyaasadeedkii ku hadhay doorashadii Deegaanka ee Xaqsoor,Waxaanay hadalkaas ku Tilmaameen Been Abuur Cad.
Siyaasiyiintan Shirka Jaraa’id qabay oo ay ka mid ahaayeen Axmed Garbo yare,C.casiis Gaaxnuug,Ambiyo Ismaaciil waxay sheegeen inaanay haboonayn in bulshada warar aan Sugnayn uu u gudbiyo Xildhibaan Saleebaan Dogox isla markaana uu ku marin Habaabinayo Ummada waxanay Xuseen inay Marag ma doon tahay ka mid ahaanshaha Ururkii Xaqsoor waxaa kale oo ay sharaxeen doorkii ay ku lahaayeen dhismaha Ururkii Xaqsoor iyo doorashadii Golayaasha deegaanka ee dabayaaqadii kal hore ka dhacday Somaliland.
Waxaa kale oo ay Xubnahani ugu baaqeen Siyaasiiyiinta Weli ku sii hadhay Ururkii Hadhay ee Xaqsoor inay ku biiraan Xisbiyada Sharciga ah ee dalka ka jira isla markaana ay ummada ka daayaan Hadalada Turxaanta leh ee kala fogaynaya Bulshada.
Gaba Gabadii Waxay Xubnahani u Soo Jeediyeen Shacabka ku nool degmada Axmed Dhagax iyo Gobolka Hawd in la gaadhay wakhtigii Xukuumada wax lala qabsan lahaa iyagoo sheegay inay Madaxweynaha uga Mahadcelinayaan Ceelashii iyo Mashaariicdii uu ku dhagax dhigay Magaalada Balli Gubadle ee xarunta Gobolka Hawd.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com