|

Xubno ka Mida ah Mucaaridka Somaliland oo Si adag uga hadlay Xaalada dalka iyo Xayiraada Saaran Wargayska Hubaal

Hargaysa 20.June (SDN) Qaar ka Mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa Si Adag uga Hadlay Xayirada Xukuumada Madaxweyne Siillanyo Saartay Wargeyska hubaal oo ka mid ah Wargeysada ka soo bax Hargeysa oo Dhawaan Maxkamada Gobolka ee Hargeysa ay Xayirtay.

Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi, Guddomiye Ku-xigeenka 3Aad ee Xisbiga ucid Mujaahid Cali Guray, iyo Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa Saaka Shirjaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf oo ay kaga hadlayeen Xalada Dalku ku sugan yahay iyo Xayirada Wargeyska Hubaal oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid soo noolaynaysa wixii laga Dagaalamay.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada ayaa Madaxwaynaha Somaliland u soo jeediyay in wixii dalka ka khaldan si isku duubni ah lagu saxo.

Eng Maxamed Xaashi oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Madaxwayne wixii inaga xumaaday aynu wada saxno oo aynu ceebteena asturno, midna xasuusnow oo dadkayagii kula soo shaqeeyya walaahi-baanaan ku necbayn oo aanaan xumaantaada doonayn, waayo xumaantaadu waa xumaantayada, SNM-bay taabanaysaa, SNM waatii soo halgantay, anagana mar sheekada nagu dar oo maxay idinla tahayda hanagala bakhaylin oo nala tasho”.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, oo ka mid ahaa afar siyaasi oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Madaxwaynaha Somaliland ka codsaday in xayiraada laga qaado Wargeyska Hubaal oo dhawaan Maxkamada Gobolka Hargeysa xayirtay.

Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu sheegay in xadhiga Wargeyska Hubaal ahayn sharafta iyo milgaha Madaxwayne Siilaanyo, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in xayiraada laga qaado Wargeyskaasi.

Boobe Yuusuf Ducaale oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu isugu nimid inaanu eray xaq ah u nidhaahno Wargeyska Hubaal, inaanu u nidhaahno xoriyatul-qowlka, waxaanu halkan u fadhinaa wixii dadkan iyo dalkani u burbureen oo xoriyatul qowlku kow ka ahaa, waxaanu halkan u fadhinaa Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shan sanadood iyo badh hogaaminayey ururkii SNM, oo hogaaminayey xisbiga Kulmiye, ujeedooyinka iyo ahdaafka uu u dagaalamayey ay ahayd xoriyatul-qowlka, ninbaa laga hayey wax walba isa saarayoo laba tagoogood ismaan saarin, Mudane Axmed Siilaanyo ayaa Somaliland madax ka ah iyo Wargeyskii Hubaal-baa xidhan, waxaanu leenahay xadhiga Hubaal iyo waxa ka dhacayaa maaha sharafta Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), maaha milgaha xukuumaddiisa, maaha ka Madaxtooyadda, mid aynu aqoonsi ku helayno maaha, mid la inoogu garaabayo maaha, waa mid la inagu cambaareynayo oo aakhiro la inoogu daadejinayo, waxaanu Magan uga nahay (Madaxwaynaha) in Wargeyska Hubaal la siidaayo, waxaan leeyahay 20-ka Hubaal ka shaqeeya yaan lagu darin kuwa dalka ka qaxaya (Dhalinyarada Tahriibaysa), markaa Madaxwayne sharaftaada iyo milgahaaga maaha (in la xidho Hubaal) ma difaacayno oo wixii eed ah ee ay leedahay halagu qaado ee waxaanu leenahay hala sii daayo Wargeyska”

Masuuliyintani wax ay Madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen in uu sidda ugu dhaxsaha badan uu Xayiraada ka qaado wargeyska Hubaal, waxay ku booriyeen in wakhtigii uu mucaaridka ahaa Siilanyo uu mar walba uu odhan jiray saxaafadu waa Xor ee ay la xidhin oo la dhibaataynin markii uu kursiga uu fulayn uu xadhig iyo Cagajuglayn isku daray.

Waxa ay Madaxdani aad ugu dheeraadeen doorkii Muga iyo Miisaanka lahaa ee Warbaahinta Madaxa Banaani ay kala soo dabaasheen Marxaladihii adkaa ee Qarankani soo maray waxaanay Geesta kale ugu baaqeen Xukuumadu inay sida ugu dhakhsiiyaha badan Wargayska Hubaal Xayiraada uga qaado.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed