|

Xubno Isugu Jira Guddida Doorashooyinka Kenya & Laba Sarkaal oo ka Tirsan Mucaaridka Kenya oo Baadhitaan Dacwadeed loo Bilaabayo

Nairobi 25. September 2017 (SDN/QJ):- Dacwad oogaha Guud ee Dalka Kenya ayaa soo saaray qaraar amraya in baadhitaan lagu sameeyo Xubno ka mid ah Guddida doorashooyinka Keny oo lagu eedaynayo inay galeen danbiyo kala duwan xiligii ay qabanayeen doorashadii Madaxkamada sare ee Kenya ay laashay.

Dacwad ooge Keriako Tobiko ayaa ka dalbaday Ciidanka booliska iyo hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa in warbixinta baadhitaankooda ay ku soo gudbiyaan muddo 21 maalmood gudahood ah.

Dacwad soo oogaha guud ee dalka Kenya ayaa sidoo kale ka codsaday laamahani in ay baadhaan laba sargaal oo ka tirsan mucaaradka oo lagu eedeeyay in si sharci daro ah ay galaangal ugu yeesheen kaydka kombiyuutarad guddiga doorashada.

Maxkamada ugu sareysa dalka Kenya ayaa sheegtay in khaladaad iyo waxyaabo sharci daro ah ay ku jireen natiijadii doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii August ee aynu soo dhaafnay Inkasta oo aanay Maxkamadu wax eedayn ah u soo Jeedin Shakhsiyaad ka Tirsan Guddida Doorashada.

Hogaamiyayaasha mucaaradka Kenya ee NASA Rayla Odhinga ayaa dalbanayay in dacwad lagu soo oogo saraakiisha guddiga doorashada oo uu ku eedeeyay inay u xagliyeen dhanka Madaxweyne Uhuru kenyatta.

Madaxda mucaaradka ayaa waxa ay sidoo kale Waxay Dalbadeen in gabi ahaanba la kala diro guddiga doorashada ee hadda jira.

Doorashada lagu Celinayo ee Dalka Kenya ayaa Ku mudaysan in mar kale la qabto 26 bisha October ee soo socota.

Comments are closed