|

Xubno booliska Kenya oo Xabsi loo Taxaabay kadib markii lagu eedeeyay fal Tuugonimo ah iyo Maxkamadayntooda oo loo Mudeeyay Isniinta

Nairobi 10.Aug (SDN) Ilaa 7 xubnood oo kamid ah Booliska ayaa loo xidhay arimo la xiriira in ay ku kaceen fal xatooya ah kadib markii u dabka ka kacay Todobaadkii Tagay Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Joma kenyatta.

Xubnahan Booliska ayaa la sheegay in loo heesto dambiyo la xirira in ay dhac u geesteen dad rakaab ah markii uu dabka bilowday.

Maalinta Isniinta ee soo socata ayaa lagu wadaa in maxkamd lo soo taago dambiyada loo heesto ,iyadoo askartaasi uu kamid yahay Taliye ka rirsan qaybta adeega booliska.

Garoonka caalamiga ah ee Joma kenyatta ayaa dib u bilaabay shaqadiisa, kadib markii dowladda ay samaysay goobo KMG ah oo logu talagay in ay isticmaalaan dadka soo dagaya iyo kuwa dhoofaya.

Sidoo kale Madaxweyne Uhuro Kenyatta oo booqday garoonka islamarkaana shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ay wadaan hay’ado gudaha ah iyo kuwa caalami ah kaasoo dhowaan ay soo bixidoonto warbixin cad oo ay ku sheegayaan sababta keentay dabkaan.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuusan falka dabkaani u muuqan in uusan ahayn fal argagaxiso balse uu ahaan karo mid sikale u dhashay islamarkaana ay ka go’antahay la helo sababta keentay dhalashada dabkaani sida u ku yimid.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed