|

Xubintii Ugu Sarraysay Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Oo Iscasishay Iyo Sharraxaad ay Sababta Ka Bixisay

Burco:April,05,2015(SDN/QJ)-Waxa soo baxay in Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsanaa Gobolka Togdheer Marwo Nasra Maxamed Yuusuf(Nasra Qalayax) ay xilkii iska casishay.

becoMarwo Nasra oo la Hadashay TV-ga Hctv, ayaa caddaysay inay Xilkaas iska casishay, waxana ay sababta ku sheegtay farogelin ay dib ka faahfaahin doonto oo xagga madaxtooyada kaga timi,

“Anigoo ah gudoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye,Nasra Maxamed Yuusuf,taariikhduna tahay 4-4-015,waxaan cadeynayaa inaan iska Casilay xilkii gudoomiyaha haweenka gobolka togdheer, ka dib markii faragalin dhinaca madaxtooyada igaga timi,sidaas darteed anigoo arimo badan dib ka soo sheegi doona,waa iska casilay xilkaa.” Ayey Tidhi Marwo Nasra.

Talaabadan Iscasilaada Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga Kulmiye ee G/togdheer ,waxa ay ku soo beegmaysaa,wakhti hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ku soo fool leeyahay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxana laga yaabaa inay arrintaas wax ka qabashadeeda wakhti ku qaadan doonaan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed