|

Xubin Sare Oo Mucaaridka Ethiopia Katirsan Oo Maanta La Filayo In Maxkamad Lasoo Taago

Addis Ababa:Jully,20,2015(SDN/QJ)-Andargachew Tsige oo ah Xog-hayaha Guud ee ururka Gimbot-7 ee dagaalka kula jira xukuumadda Ethiopia, ayaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah lasoo taago maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa.

chaoMaxbuuska ayaa maxkamada lala keeni doono 10 maxaabiis ah oo qaarkood lagu eedeyey in ay xubno ka yihiin ururka Ginbot 7 oo dawlada Itoobiya u aqoonsatay argagixiso. Waxaa la sheegay in 5 xubnood oo ka mid ah maxaabiista ay sheegeen in ay la kulmeen Tsige iyaga oo u arkayey hogaamiyahoodii.

Garyaqaanka ka socda dawlada ayaa ku doodaya in kooxdani tababar cidameed ku soo qaateen Eritrea iyaga oo ku tala jiray in ay fuliyaan falal aragagixiso oo lagu khaarajinayo qaar ka tirsan madaxad dawlada Itoobiya.

Dawlada Britain ayaa bishii hore walaac ka muujisay xaalada siyaasigan oo haysta dhalashada Ingiriiska. Xukuumada London ayaa sheegtay in ay ka walwalsan tahay in muwaadinka dil lagu xukumo iyo in xabsi gooni ah kaligii lagu hayo wakhtigan xaadirka ah.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa u aqoonsaday argagixiso ururada kala ah Ginbot 7, OLF iyo ONLF oo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid hubaysan ka wada gobolo dalka Ethiopia  ka mid ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed