Xubin Muhiim Ka Ahayd Maamulkii Madaxweyne Saddam Xuseen Oo Xalay Geeriyootay
Baghdad:June,06,2015(SDN/QJ)-Warbaahinta caalamka, ayaa si weyn uga hadlay geerida Ra’isal wasaare-ku-xigeenkii hore ee Waddanka Ciraq Taariq Caziis, isla-markaana ahaa Wasiirkii Arrimiha Dibadda ee Dalka Ciraaq xilligii xukuumaddii madaxweyne Sadam Xusen.
Tariq Caziis, ayaa da’diisa lagu sheegay 70-Sano jir, waxana uu caan ku ahaa saaxiibtinimo qoto dheer oo uu la lahaa madaxweynihii la dilay ee Saddam Xuseen.
Taariq Casiis ayaa kamid ahaa la-taliyayaasha gaarka ee Madaxweynihii hore Ciraaq oo mudo dheer soo wada shaqeeyeen Saddam Hussein.
Warbaahinta Caalamka oo soo xiganaysa ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu ku dhintey isbitaal ku yaalla dalka Ciraaq kadib markii wadnaha lagaga soo booday.
Taariq Casiis ayaa isu dhiibay Ciidamadii Mareykanka ee ku duulay dalka Ciraaq 2003-dii, wuxuuna intaas kadib ku jirey xabsi. Sanadkii 2010 ayaa maxkamad ku taalla dalkaas ku xukuntay dil toogasho kadib markii lagu helay dambiyo la xidhiidha dilal.
Taariq Casiis oo aaminsanaa diinta Kirishtanka ayaa caan ku ahaa in uu siyaasadda Saddam Hussein ka difaaco masraxaddaha caalamka, waxaana uu sidoo kale hogaaminayay duulaankii Ciraaq ee Kuwait.
Qoyska Taariq Casiis ayaa mudo dalbanayay in xabsiga laga sii daayo tan iyo markii xaaladdiisa caafimaad ay soo liidatay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com