|

Xubin Kamid Ah Golaha Wasiirrada Cusub Ee Somalia Oo Ka Cudurdaartay Kasii Mid ahaanshaha Xukuumadda Cusub Iyo Sababta Uu U Diiday

Muqdisho:Feb,02,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo madaxtooyada Somalia, Fahad yaasiin oo dhawaan Ra’isal wasaare Sharma’arke u magacaabay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadidka Badda, ayaa ka cudurdaartay inuu xilkaas qabto.

fahadFahad Yaasiin Xaji Dahir oo ku magacaban Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda lana magacabay January 27, 2015 uu hadda iska diiday ama ka cudur daartay ka mid ahaanshaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda uu hogaamiyo Ra´iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid, iyadoo taasna sabab looga dhigay inuu talo badan kadib Go’aansaday inaanu  salaanka siyaasadda ku kori Karin xukuumad iyadoo aan sharci noqon cadaadis badani kaga imanayo Baarlamaanka.

Xogaha kale ee Fahad isku casilayo, ayaa lagu sheegayaa inaanu raalli ka ahayn Wasaaradda Sida gaarka  ah loogu magacaabay oo ah mid aanu codsanin, waxana uu meesha ka sugayey wasaaradda Warfaafinta oo uu u arko inuu yahay shakhsi ku haboon inuu hoggaamiyo.

Dhanka kale Fahad Yaasin ayaa la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra´iisal Wasaare Cumar ku wargeliyay inaanu qaban karin jagada loo magacabay maadama looga baxay wixii la isku ogaa sidaas darteed si rasmi ah ayuu ugu wargeliyay madaxda qaranka sababtii uu ugu cudur daartay xilka loo magacabay.

Ugu Danbayntii Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ayaa wali Xaqiijin in uu diiday in uu Qabto Xilka Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda waxaana la sheegay in Saacadaha soo socda uu Qabanayo Shir jaraa,id oo ku shaacinayo in uu iska casilay Wasiirkii Dhawaan uu u magacabaay Ra´iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in saaxiib  badan oo madaxtooyada ahi ay cadaadis ku saarayaan Fahad yaasiin inuu sii joogo wasaaradda oo  aanu dhabarka ka jabinin Ra’isal wasaaraha, waxase muuqata inuu arrimahaas dhegaha ka furaystay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed