|

Xubin Ka Tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland oo ka Warramaya Baaskoolad lagu weeraray DAAWO

Hargeysa 08,Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cali Axmed Maxamed, ayaa ka warramay sida ay u dhacday dhacdo dhex-martay Xildhibaan Baaskoolad ula soo baxay inta uu Xafiiskiisa Xarunta Wasaaraddaas ugu galay, taasoo ay Warbaahinta qaarkeed faafiyeen in Xildhibaanku Wasiir Ku-xigeenka Xafiiskiisa ku weeraray isagoo hubaysan.

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo Shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa ku dooday inaanay wax dhibaato ahi kala gaadhin isaga iyo Xildhibaanka oo ah Mudane Gole Deegaan, kaasoo uu sheegay inaanu wax dhibaato ah u geysan, isla markaana keliya ula soo baxay uun Baaskooladda, laakiin aan ku ridin wax xabbad ah isaga iyo nin kale oo uu xusay inuu markaas la fadhiyey.

Cali Maxamed Aadan (Cali-Dhegoole) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, kaga warramay dhacdadaas isaga iyo Xildhibaanka oo lagu magacaabo sida uu sheegay Cali-Duulduul, hadalka sharraxaadda ah ee uu ka jeediyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed