Xubin Hor leh Oo Iska Casishay Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani
Laascaanood:Jully,17,2015(SDN/QJ)-Saacado kooban uun kadib markii ay Xisbiga Waddani ka dareereen saddex xubnood oo xilal muhiim ah ka hayey, ayaa waxa isaguna habeenkii xalay iscasilaaddiisa ku dhawaaqay Xoghayihii Wacyi gelinta Saleebaan Cabdi Diiriye.
Saleebaan waxa uu iscasilaaddiisa ku sababeeyey inay awooddii Xisbiga isku koobaane xubno tiro yari sida uu hadalkiisa u dhigay.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxa uu ku yidhi “Anigoo ah Xoghayihii abaabulka iyo wacyigalinta Xisbiga WADANI waxaan shacabka Somaliland u cadaynayaa in aan iska casilay jagadii iyo xubinimadii Xisbiga WADANI, sababta aan isu casilayna waxa weeye Xisbigii WADANI waxaa isku koobay cid gaara oo isku duubtay taladiisi, wuxuu soo dhaafi wayay koox yar oo Hargaysa joogta, maaha mid ku shaqaynaaya maamul daa dajintii Gobolada meel uu soo gaadhayna ma jirto”
Xoghayihii hore ee abaabulka iyo wacgalinta Xisbiga WADANI oo ka hadlaaya halkuu siyaasiyan uga diga rogtay Xisbiga WADANI wuxuu yidhi. “Anigu Xisbigaygii uunban ka baxay KULMIYE na ma galin waxaan u madax banaanaya hawlahayga ii gaarka ah.”ayuu yidhi.
Dildillaaca ku yimi xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sababtiisa lagu sheegayaa marxalad kala guur ah oo dalku haatan galay, iyadoo Saraakiisha xisbigu isku maandhaafsan yihiin waxa laga yeelayo muddo-dhaafka xukuumaddan xilligeedu dhacay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com