|

Xubin Al-shabaab Ka Tirsanaan Jirtey Haatanna Ciidanka Nabadsugidda Kamid ahayd Oo Xalay Lagu Toogtay Gudaha Magaalada Muqdisho

Muqdisho:May,08,2015(SDN/QJ)-xubin sare oo hore uga mid ahaan jirtey kooxda Al-shabaab, balse shaacisay inay ka Baxday ayaa xalay lagu toogtay xaafadda Tawfiiq ee Magaalada Muqdisho.

???????????????????????????????Sarkaalkan oo lagu magacaabi jirey Abshir Maxamed Cumar Caraale (Dhukane), ayaa hore u shaaciyey inuu Ururka Al-shabaab iskaga Baxay, fikirkoodana beddelay.

Maalmahan dambe waxa uu Sarkaalkani ka shaqaynayey oo xubin ka ahaa Ciidanka Nabadsugidda Somalia, balse lama shaacin derejadiisa.

Rag bastoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay ku toogteen xaafada Towfiiq, xilli la tilmaamay inuu ku sugnaa, waxayna dhowr xabadood kaga dhufteen qaarka sare ee jirkiisa.

Dambiile-yaasha, ayaa waxay dilka ka dib isaga baxsadeen goobtii ay ku dileen marxuumka, waxaana muddo gaaban ka dib gaaray Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Degmada Yaaqshiid.

Dadka deegaanka oo dilkaasi walaac ka muujiyay, ayaa waxay kuu sheegayan in Nabad Suggida iyo Boolisku, ay tiro dad ah u soo qab qabteen dilka Sarkaalkaasi.

Dhukane oo si dhow ula shaqeynayay Hay’adda Nabad Suggida, ayaa waxay ehelo ahaayen Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.

Dilalka maalmahaan dambe ka dhacaaya Magaalada Muqdisho, ayaa shaki gelinaaya xaaladda amni ee Caasimadda, inkastoo hawlgalo ka dhan ah Shabaab si joogto ah looga sameeyo qaybaha kala duwan ee Magaalada.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed