Xoogagga Xuutiyiinta Yemen Oo Xukunkii La Wareegay, Baarlamaankii Dalkana Kala Dirtay
Sanca:Feb,07,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Shiicada ah ee ka dagaallanta Dalka Yemen, ayaa ku dhawaaqay inay taladii dalkaas la waareegeen, isla-markaana ay kala direen Baarlamaankii dalkaas ee sida sharciga ah loosoo doortay.
Kooxda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay gole ku-meel-gaadh ah xukunkaas u dhiibi doonaan, iyadoo tirada Xubnahaasna tiradooda lagu sheegay shan Xubnood.
Kooxdan ayaa la wareegtay caasimada dalka Yemen ee Sanca bishii September ayaa ku qasabtay in madaxweyne Abdi Rabbi Masuur Hadi uu is casilo bishii January.
Ku dhowaaqista warkan ayaa timid kadib markii uu burburay wadahadalo ay hogaanka u haysay Qaramada Midoobay. Xuutiyiinta ayaa u qabtay Arbacada xilli kama dambays ah in heshiis ay ku gaadhaan xisbiyada siyaasadda dalka Yemen waxana ay ku hanjabeen in haddii heshiis la gaadhi waayo ay kaligeed go’aan gaadhi doonto.
Xuutiyiinta ayaa waxa ay go’aankan ugu dhowaaqeen madaxtooyada Jamhuuriga ee magaalada Sanca kulan ballaadhan oo ay ka soo qeybgaleen dad caan ka ah wadankaasi oo isugu jiray siyaasiyiin,Milatari iyo weliba qabaa’ilaadka dadka ugu waaweyn si ay u muujiyaan inay taageero ka haystaan shacabka dalka Yemen.
Hase yeeshee illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Sunniyiinta sida weyn ugaga soo horjeeda Shiicada waxaana laga yaabaa in dagaalo sokeeye oo ku salaysan qabaa’il ay ka dilaacaan dalka Yemen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com