|

Xoogagga Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Hayaan Maxaabiis Ciidamada Uganda Katirsanaa

Muqdisho:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Ururka Al-shabaab, ayaa Bayaan ay soo saareen maalintii shalay waxa ay ku shaaciyeen inay gacanta ku hayaan tiro maxaabiis hore uga Tirsanadayd Ciidamada Uganda ee AMISOM katirsan oo ay dhawaan ku qabsadeen Dagaalkii Jannaale.

ercBayaankan  oo uu soo saxeexnaa  Sheekh C/Casiis Abuu Muscab afhayeenka ciidamada  Alshabab ayuu ku sheegay inay jiraan maxaabiis Uganda u dhashay oo gacanta Alshabaab  ku jira.

Maxaabiista ayaa la sheegay inay caafimaad qabaan, laakiin ALshabaab ma sheegin tirada ciidamada ay hayaan Alshabaab. Dowladda Uganda ayaa hore u sheegay in dhammaan ciidamadooda ay bad qabaan oo 12 ka mida looga dilay dagaalkii Janaale.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed