Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo galay Deegaanka Basuba ee Dalka Kenya – Shacabkana Wacdiyay
Lamuu,16Aug,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan 100-dagaalyahan oo Al-shabaab ka Tirsan ayaa Aroornimadii hore ee Sabtidii shalay la wareegay gacan ku haynta deegaanka Basuba oo ka Tirsan Magaalada Lamu oo ku taalla xeebta Dalka Kenya, iyadoo muddo hal saac ah Wacdinayay Shacabka ku nool deegaankaas.
Warbaahinta Kenya oo soo xigatay Goobjoogayaal dalbaday inaan magacooda la sheegin ayaa sheegay in dadka deegaanku ay u sheegeen in xoogaggu ay soo galeen deegaankooda 5:00 aroornimo, ka hor intii aysan hurdada ka kicin.
Sidoo kale, Goob-joogayaasha ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay 300 oo qof oo ka mid ah Shacabka Deegaanka ay kasoo saareen Guryahooda, ayna Hal meel isugu geeyeen, halkaasoo ay khudbado ugu jeediyeen.
“Anigu waxaan arkay ugu yaraan 100 ruux oo aad u hubeysan oo watay dharka midabada badan ee u eg geedaha,” ayuu yidhi goobjooge la hadlay Warbaahinta, isagoo intaa ku daray. “Waxay nagu amreen inaan guryaheenna kasoo baxno oo aan hal meel isugu imaanno.”
Goobjoogayaashu waxay intaas ku dareen. “Kooxaha na wacdinayay waxay kala ahaayeen; afar qof oo caddaan ah, laba gabdhood oo yar-yar iyo sidoo kale laba nin oo madow ah.”
Waxay kaloo Dadka deegaanku Xuseen in xoogagga Al-shabaab ay ku siiyeen Amar inaan ciidan booliiska u sheegin imaanshahooda deegaankooda iyo inaanan Raacin Gaadiidka ay ciidamada booliiska iyo millateriga Kenya leeyihiin, kuwaasoo ay xuseen inay inta badan beegsadaan.
“Xoogaggu waxay noo sheegeen inaanan doonayn in ay dhibaato noo geystaan, laakiin ay beegsanayaan oo keliya ciidamada Booliiska iyo Millateriga, iyagoo noo sheegay inaanan raacin gaadiidka ciidamada Kenya ay leeyihiin,” ayuu intaas ku daray goobjooge la hadlay Warbaahinta.
Dadka deegaanka ayaa intaas ku daray. “Waxay kaloo nagu amreen inaan kusoo Wargelino Warbixinada ku saabsan Saraakiisha Amniga Kenya. Waxayna noogu Goodiyeen in haddii aanan sidaas sameyn ay soo laabanayaan oo Guryaha deegaanka oo dhan ay Gubi doonaan, dhibka ay noo geystaanna aan weligeen xusuusan doonno.”
Xoogagii ka tirsanaa Al-shabaab ayaa la sheegay inay deegaanka Basuba isaga baxeen 6:00 Sroornimo, iyagoo Aaday Deegaanka Keynta leh ee Boni oo isna ka tirsan Deegaannada ku yaalla Xeebta Kenya. Mana jirto wax dhibaato ah oo ay dadka deegaanka u geysteen halkii saac ee ay ku sugnaayeen.
Ugu dambeyn, Arrintan ayaa imaanaysaa xilli Arbacadii Toddobaadkii hore ay Al-shabaab la beegsadeen gaari ay Ciidamada Kenya leeyihiin Qarax Miino, taasoo uu dhaawac kasoo gaaray sarkaal ka tirsan Booliiska Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii markaasoo ay Dowladda Kenya kumannaan Askarteeda u soo dirtay Soomaaliya si ay ula Dagaallamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal xuduud-ka-tallow ah oo Gudaha dalka Kenya ka dhacay.