Xohyihii Guud ee Hore Ee Xisbiga Ucid Oo Cambaareeyey Hadallo dhawaan Ka Soo Yeedhay Nicholas Kay
Hargeysa:20-Dec-2013(SDN)-Wasiir Kuxigeenkii hore ee Wasaarada Arimaha Dabada ee Xukuumada Madaxweyne Rayale, isla-markaana muddo gaaban ka hor iska casilay xilkii Xoghayaha guud ee Xisbiga Ucid Md Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed Kayse), oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in cadowga Somaliland xoogeystay, waxaanu ku baaqay in loo midoobo.
Axmed Kayse, ayaa xusay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM uu Noqday mid ku hawllan oo ka shaqaynaya arrimo ka dhan ah danta iyo wada jirka umadda reer Somaliland, isagoo soo jeediyey in ergayga Xafiiskaas masuulka ka ahi uu arrimahaas ka badheedhay.”Waxaanu aragnay oo xoogeystay cadowgii Somaliland ee gudaha iyo Dibadda ee geedka dheer iyo geedka gaabanba u fuushanaa in jiritaanka Somaliland ama hamiggeenii ahaa in dalkan maruun la ictiraafo oo uu ka mid noqda dalalka adduunka inay xabaal u qodayaan ama god madow ku sii ridayaan, taasoo ay ka faa’ideysteen muranka iyo yooyootanka siyaasadeed oo ay u qaateen in Somaliland sii kala dhaqaaqayso” ayuu yidhi Axmed Kayse.
Axmed Kayse, waxa uu tilmaamay in reer Koonfureedku ay kula soo dhaceen hadallo laaqi oo aanay hore Somaliland ugula dhiiran jirin “Niman reer Soomaaliya oo aan hore iigula soo dhici jirin, ayaa igu yidhi waydinka is idho buuxin waayee ee is dilayee, xukuumadda raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ka faa’ideysta oo qaybtiina qaata, weligeed may dhici jirin in Somaliland kala tagayso, dadka meelaha kale iyo Xamar ka yimaadaana waxay u arkayaan in Somaliland bisha December-ba gaadhay (Bishan), laakiin ILAAHAY kama dhigayo” ayuu yidhi.
Hadalkan Kulul ee Axmed Kayse jeediyey ayaa ka dambeeyey markii uu Wakiilka Xoghaya Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay uu Warbixin ku sheegay in madaxda Somaliland Khilaaf baahsani ka dhaxeeyo oo xukuumaddu hoggaamiyayaasha Axsaabta qaarkood xadhig kula kacday.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com