|

Xogo Xiiso Leh Oo Laga Helay Xubnihii Shalay Weeraray Xarunta AMISOM ee Xalane

Muqdisho:Dec,26,2014(SDN/QJ)-Waxa soo kordhaya Xogaha  laga helayo cidda ay ahaayeen Raggii shalay weerarka qorshaysan ku qaaday xarunta Xalane ee Ciidanka AMISOM Deggen yihiin, waxana xogahaasi Arrinta gondaha u geliyeen  Dawladda Federal-ka ah.

xaloXogta aanu Hayno oo ah mid laga helay Dhinaca Ciidanka ammaanka Dawladda Federalka, ayaa sheegaysa in Tirada Kooxda Weerarka Geysatay ay ahaayeen 12-dagaal yahay oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab, balse Hore uga soo goostay, isla-markaana ku biiray Ciidanka Xoogga dalka.

Kooxdani weerarka geystay ayaa waxaa sidoo kale la sheegayaa inay kamid ahaayen Militeriga Dowlada, gaar ahaan cutubyo dhawaan loo soo xidhay tababar, iyagoona Ujeedka ay usoo galeen Dowlada lagu sheegay inay fuliyaan weerar lagu qaado Aqalka dalka looga arimiyo ee Villa Somalia, balse marka uu weerarkaasi fashilmay ay u wareegen Xarunta xalane.

Warar hoose oo lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay Mas’uul ka tirsan DF Somalia, ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay aad uga cabsi qabeen weeraro kaga yimaada dhanka Maleeshiyada Alshabaab, hayeeshee ay duhurnimadii shalay mar qura ka war heleen gurxanka rasaasta iyo qaraxyada ay is weydaarsanayen Ciidamada AMISOM iyo naftood haligayaashii weerarka qaaday.

Arrintan ayaa muujineysa habacsanaanta laamaha amniga iyo sirdoonka dowladda Soomaaliya, oo mar kale ku sirmay rag iska dhigaya inay Shabaab kasoo furteen, balse watay ujeedooyin gurracan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed