Xogo Tibaaxay Cududda Siyaasi Axmed Muumin Seed Kaga Gaashaaman Karo Siyaasiyiin Aan Hore Xisbiga Waxba U Gashan Oo Wakhti Dambe Isaga Dhawaaqay Hankooda Musharraxnimo
Hargaysa 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Kadib markii toddobaadkii hore Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI 1-da bisha Oktoobar u qoondeeyey maalinta uu qabsanayo shirkiisa Golaha Dhexe ee lagu dooran doono Musharraxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku xigeen ee Xisbigaasi waxa isa soo taraya dareeno iyo indho gaar ah oo xisbiyada kale iyo guud ahaan shacabka Somaliland ku eegayo shirkaasi iyada oo si gaar ah isha loogu hayo mansabka Musharraxa Madaxweyne ku xigeen oo uu u taagan yahay Siyaasi Axmed Muumin Seed oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi ahna raggii bud-dhigga u ahaa aasaaska Xisbiga WADDANI, balse muddo dhawayd uu soo baxay nin aan inta badan dadku aqoon oo lagu magacaabo Maxamed Cali Cabdi oo isna ka soo jeeda Gobolka Awdal.
Xogo warkeyska FOORE ka helay xaaladda Siyaasadeed ee guud ahaan diyaar garawga shirkaasi Golaha Dhexe ee WADDANI ayaa tibaaxaya in badi aqlabiyadda taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka gaar ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal si weyn u taageersan yihiin Musharraxnimada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbigaasi ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad Axmed Muumin Seed kaasi oo lagu tiro siyaasiyiinta seeska u dhigay, wax badanna gashaday xisbiga WADDANI iyaga oo dadka arrinkan u kuur galay sheegayaan in ay aqlabiyadda taageerayaasha Xisbiga WADDANI aad uga soo horjeedaan Musharraxnimada Maxamed Cali Cabdi oo ay ku tilmaameen masuul aan maal iyo muruq toona galin xisbiga WADDANI, wakhti dambena ku dhawaaqay in uu mansabkan isu soo taagayo, horena uga mid ahayn dadkii xisbiga aasaasay.
Aqlabiyadda Xisbiga WADDANI iyo dadka sida gaarka ah arrinkan ula socdaa waxa ay doodooda saldhig uga dhigayaan inkasta oo xisbigu yahay xisbi Dimuquraadi ah oo laga dhex tartami karo dhexdiisa haddana in ay jiraan arrimo badan oo aanu curfiga siyaasadeed ee dalkeennu aanu aqbali Karin oo ah in qof aan wakhti, dadaal iyo naf-hurid toona gelin xisbi qaran uu isku qaado in uu isu soo taago musharraxnimo aanu wakhtigeedii ku salayn ee uu goor dambe isaga dhawaaqo si dhib yar isaga oo aan hore xisbiga waxba u soo gashan halka in badan oo dadka arrinkan faalleeya ahi ku doodayaan in caddaaladdu ku jirto in Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Ku Xigeenkiisa 1aad Mudane Axmed Muumin Seed noqdaan rag lala wada tartamo ama loo wada tanaasulo, sidaana caddaaladdu ku jirto ee aanay xaq ahayn in midna lala tartamo midna loo tanaasulo.
Dhawaan ayay ahayd markii Maxamed Cali Cabdi oo qurbe-joog ahi kana soo jeeda Gobolka Awdal, ahna nin aan lag aqoon shaaraca syaasadeed ee dalku shaaciyey in uu u taagan yahay mansabka Musharraxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI sidoo kalena uu isla toddobaadkan shaaciyey in uu mansabkaasi tartan u gali doono Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo hore uga soo baxay Xisbiga UCID, wakhtiganna ah Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI. Si kastaba ha ahaatee daneeyayaasha Siyaasadda Somaliland iyo gaar ahaan shacabka Gobollada Awdal iyo Salal ayaa isha ku haya tartankaasi ka dhex bilaabmi doona Xisbiga WADDANI iyada oo xisbiga WADDANI si weyn ugu xooggan yahay Gobolladaasi oo aqlabiyadiisu taageersan tahay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed.