Xogo ka soo Kordhay Weerarkii Shalay ee Alshabaab ku qaaday Safiirka Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho
Muqdisho 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, ayaa weerar is qarxin ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho , halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof oo u badan askarta dawladda, halka dhaawacuna ka badan yahay afar ruux.
Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo la yidhaah Cabdiqaadir Xasan, ayaa saxaafadda u sheegay in gaadiidka la weeraray ay la socdeen diblomaasiyiin u dhashay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku jiro safiirkooda Muqdisho.
“Safiirka iyo diblomaasiyiinta kale ee Imaaraadka wax dhibaato ah kama soo gaadhin qaraxaas, halka sidoo kale aanay wax dhibaato ah gaadhin saraakiisha Soomaalida ah ee la socday,” ayuu yidhi sarkaalka ka tirsan ciidanka boolisku, kaasoo intaa ku daray in baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey ay joojiyeen gaadiidka hay’adaha ammaanka Soomaaliya, kadibna uu sameeyey qarax xoogan oo khasaare ka dhashay.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, ayaa si xoogan u cambaareeyey qaraxaas, isagoo xusay inuu telefoon kula hadlay safiirka Imaaraadka u fadhiga Muqdisho Ambassador Mohamed Al Osman, kaasoo uu xusay in aanay wax dhibaato ah ka gaadhin qaraxaas.
Ururka Al-shabaab, ayaa sheegtay qaraxaas oo ay tilmaameen in loogu talogalay diblomaasiyiinta dalka Imaaraadka Carabta ee fadhiya Muqdisho.
Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa mashaariic kala duwan ka fuliya Soomaaliya, iyagoo sidoo kale gaadiidka dagaalka ugu deeqay hay’adaha ammaanka Soomaaliya, kaasoo loogu talogalay in wax lagaga qabto xaaladaha ammaan ee dalka Soomaaliya.
Muqdisho SDN/QJ