|

Xogo Iftiimiyey sababaha Madaxweyne-xigeen Somaliland uga Cudur-Daartay faragelinta uu ku sameeyo Xadhigga Ganacsade Cumar Caydiid

Hargaysa 5. February,2016(SDN/QJ):– Madaxweyne-xigeenka Somaliland ayaa la sheegay inuu ka cudur-daartay faragelinta xadhiga ganacsade Cumar Caydiid Axmed, isla markaana Xukuumadda dalka Jabuuti ayaa la filayaa inay maanta faahfaahin ka bixiso mowqifkeeda xadhigan.

ganacsadeXogo wargeyska Himilo oo aanu Warkan ka soo Xiganay ka helay ilo ku dhow-dhow qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Md. Cabdiraxmaan Saylici cudur-daar ka bixiyey inaanu awood u lahayn faragelinta iyo ka hadalka xadhigga Ganacsade Cumar Caydiid Axmed.

Xogahan ayaa intaa raaciyey in la-taliyeyaasha qasriga Madaxtooyada midkood oo qadiyadda xadhiga ganacsade Cumar Caydiid la soo qaaday Md. Saylici inuu si cad ugu shaaciyey inaanu awood u lahayn faragelinta qadiyadaa xadhiga ganacsade Cumar.

Sidoo kale, Wasiir-xigeenka Amniga, ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mr. Maxamed Muuse Diirye oo wargeyska Himilo xidhiidh ula sameeyey xalay inuu wax ka weydiiyo sifaha loo maray xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid Axmed ayaa afka ka xidhay jawaab uu ka bixiyo.

Dhinaca kale, Xukuumadda dalka Jabuuti ayaa la filayaa inay maanta jawaab ka bixiyaan xadhigga Ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo ah muwaadi u dhashay dalka Jabuuti iyo mowqifkooda ku waajahan, sida xogo wargeyska Himilo helay sheegeen.

Comments are closed