|

Xogo iftiimiyey Caqabado hortaagan Shuruudo lagu xidhay Bilowga Sahaminta Shidaalka & Amuska Dawlada

London 20  Feb, 2015 (SDN/QJ)- Shirkadda sahaminta shidaalka ee Ophir Energy oo heshiis Shidaal-baadhis ah kula jirta Xukumadda, ayaa la xaqiijiyey inay ganacsade reer Somaliland ah oo iibsada u heshay baaqiga saami ay ku leedahay laba Block ee SL9 iyo SL12 oo ku yaala Xeebaha gobolka Saaxil.
Ophir EnergyQodobbo ka tirsan Heshiisyada xukuumadda Somaliland la gasho Shirkadaha ajaanibka ah ee sahaminta Shidaalka, ayaa dhiirri-gelinaya in ganacsada dalku kaalin ku yeeshaan Maalgashiga dalka, qaybna ku yeeshaan saamiyada shirkadaha maalgashiga ku samaynaya dalka, gaar ahaan soo-saarista kheyraadka dabiiciga ah.

Sida lagu baahiyey Jariiradda ION, Inkasta oo aan la shaacin qiimaha heshiiska, shirkada Ophir Energy, ayaa saami gaadhaya 25% oo uga hadhsanaa bolookyada Berbera ka iibisay ganacsade reer Somaliland oo lagu magacaabo Maxamed Siciid Geedi.
Maxamed Siciid Geedi oo ganacsiyo kala duwan ku leh Somaliland, ayaa ka qeyb noqoshadiisa xilligan hawlaha sahaminta u muuqataa mid ku dhiirinaysa ganacsatada Somaliland inay qeyb ka ahaadaan guud ahaan maalgashiga shirkadaha ajaanibku dalka gelinayaan soo saarista kheyraadka dabiiciga.
Dhinaca kale heshiiska iibka saamiga Ophir Energy iyo dhexmaray ganacsade Maxamed Siciid Geedi ayaa ku soo beegmaya xilli weli aanu dhaqaaqin qorshe lagu abuurayey ciidamo ilaaliya hawlaha sahaminta oo shirkada shidaalku shuruud kaga dhigeen xukuumada Somaliland la’aantood inaanay shaqo bilaabin.

ProjctAreasSomaliland-300x164Qorshaha abuuritaanka ciidamada ilaaliya hawlaha sahaminta oo xukuumada Somaliland hirgelintiisa bilowday, isla markaana qandaraaskiisa la sheegay inay ku guulaysatay shirkad ajaanib ah, ayaan ilaa wakhtigan la dhamaystiran.
Xukuumadda Somaliland kama hadal sababta dib-u-dhaca ku keentay hirgelinta ciidamada loo abuurayo ilaalinta amaanka shirkdaha ajaanibka ah, haseyeeshee sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen ilo-wareedyo u dhuun-daloola arrintan, waxa hirgelinta ciidamadan caqabad ku ah Qaramada Midoobay iyo dhaqaalaha ku baxaya oo gaadhaya 20 milyan oo dollar oo diyaarinteeda looga fadhiyo xukuumadda Somaliland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo u xil-saaran diyaarinta ciidamadan, ayaan ilaa wakhtigan ka hadal sababaha
Si kasta, dhamaystir la’aanta qorshaha abuuritaanka ciidanka oo ahaa shuruudii shirkadaha sahaminta shidaalku ku xidheen bilowga hawlahooda ayaa u muuqata mid weli xukuumada Somaliland tahli weyday inay dhamaytirto, isla markaana aanu tafaasiil ka bixin wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed warancade oo hawshaa masuuliyadeedu saarnayd.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed