|

Xogo Iftiimiyay Sababtii Uu Madaxweyne Siilaanyo Safiirka Itoobiya Ugu Magacaabay Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Cali Warancade

Hargaysa 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Warar xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa faah faahin ka bixiyay Sababtii uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu Wasiirkiisii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade ugu magacaabay Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Itoobiya,arintaasi oo Markii ay soo baxday Fasiraado badan laga bixiyay islamarkaana ay fajiciso ku riday Dadka Siyaasada Somaliland u dhuun daloola.

xirsi-siilaanyo-iyo-warncadeIllo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay dad agdhaw Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade ayaa Wargeyska Foore u fasiray Sababta keentay in Madaxweyne Siilaanyo u magacaabo Safaaradda Somaliland ku leedahay Dalka Itoobiya ee ku taala Caasimadda Adisababa,waxa ay noo sheegeen in dhawrkii bilood ee u dambeeyay uu Warancade si joogta ah ugu laba noqonayay Caasimadda Dalka Itoobiya ee Adisababa,islamarkaana ay Madaxtooyadda Somaliland arintaasi ka war heshay,soona ogaatay in safaradiisu ay ku lug lahaayeen oo qudha Dano shaqsi ah oo isaga u gaar ah,Safaradan Warancade Bilihii udambeeyay ku tagayay Itoobiya ayaa sida lanoo Xaqiijiyay ay ahaayeen kuwo isdaba joog ah oo ay ka wada war heleen Shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradda Arimaha Guduhu,islamarkaana ka qaatay Dareeno gaar ah oo kala duwan.

Wararkan ayaa intaa ku daray in Madaxtooyadu aad u saluugtay safaradaasi islamarkaana baadhis ay kusamaysay lagu ogaaday inuu arimo gaar ah u tagi jiray Dalka Itoobiya,waxa aad loola yaabay safaradan oo xidhiidhsanaa oo sanka isku wada hayay islamarkaana bilba bisha ka dambaysay xidhiidh sii noqonayay. Dhawr bilood ka hor ayaa sida la sheegay uu madaxsweyne Siilaanyo iskugu yeedhay Madaxda Laamaha Amniga iyo daba galka danbiyada,waxaana uu uga digay in Wax xog ah aan la soo marin Madaxtooyadda loo gudbiyo Dalka Itoobiya,waxaana la sheegay oo uu kulankaasi dabada ku hayay Warar kale oo dhanka Itoobiya ay ka heshay Madaxtooyaddu oo xasaasi ahaa.

Sikastaba hanoqotee,Arimaha ugu culus ee la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo u cuskaday Bedelka Warancade uu ku geeyay Safaaradda Somaliland ee Adisababa ayaa loo badinayaa inay la xidhiidho Arimo hoose oo aan ujeedkooda la ogayn oo Cali Warancade si qarsoon ula lahaa Dawlada Itoobiya,Arintaasi oo aan farxad galin Madaxtooyadda Somaliland islamarkaana dhalisay tuhuno Siyaasadeed. Cali Warancadde ayaan la ogayn tallaabada uu qaadan doono.

Comments are closed