Xogo Iftiiminaya Sababta Punt Land ku Heshay Saami Ka Badan Kuwa Maamul Goboleedyadu ka heleen Kuraasta Aqalka Sare
Muqdisho 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Sida ay Sheegayaan Xogo dheeraad ah oo ku saabsan sida ay Puntland ku heshay labo xubnood oo dheerad ah, kuwas oo hadda kamid noqonaya Aqalka sare ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Madasha Wadatashiga ee Soomaaliyeed ayaa mudo 7 maalmood ah, dood adag ka lahaa arrimaha Siyaasada ee dalka, gaar ahaana doorashada 2016-ka, waxaana ugu dambeyn lla go’aansaday in Puntland ay hesho xubnahan dheeraadka ah.
Labadan xubnood waxay ka dhigaysaa tirada guud ee Aqalka sare Puntand 13 xubnood, halka dawlad gobaleedyada kale leeyihiin min 8 xubnood, marka laga reebo maamulka Somaliland oo leh 11 xubnood oo dheeraad ah.
Galmudug & Somaliland waxay diideen labadaan xubnood ee ay heshay Puntland, waxay sheegaan in aysan aqbaleyn dhamaan dheeraadkan, iyagoo dalbaday oo kaliya in ay la mid noqoto.
M/weynaha Galmudug wuxuu shalay muujiyey Cadhada ay arrintani ku keentay, isagoo sheegay in aysan aqbaleyn, laakiin taas waxay u muuqatay mid aan marnaba suuragal noqon doonin.