|

Xogo Hoose Oo Tibaaxay Danjire Cawil Cali Ducaale Iyo Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro Oo La Filayo In Ay Ka Soo Dhex Muuqdaan Isku-Shaandhayn Uu M/Siilaanyo Soo Wado

Hargeysa, 23 September, 2016-(SDN/QJ):–Inkasta oo dhawaan uun Madaxweyne Siilaanyo isku shaan-dhayn ballaadhan ku sameeyey golihiisa Wasiirrada Somaliland iyo guud ahaan xilalka hay’adaha kala duwan ee xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay haddana waxa isa soo taraya xogo hoose oo tibaaxaya in Madaxweyne Siilaanyo dhawaan la filayo in uu mar kale soo saaro isku shaan-dhayn kale oo degdeg ah si uu ugu yaraan masuuliyiin muddo badan xil dhawr ahaa muddooyinkan dambena ay si weyn isula dhacsanaayeen ugu taxo xilal wasiirro ah.
14408959_1268589769842334_100381771_nXogo hoose oo Wargeyska Foore helay ayaa tibaaxaya in kadib markii dhawaan xubno ka mid ahaa hadhaaga xisbigii burburay ee UDUB ay si rasmi ah ugu biireen xisbiga KULMIYE ay soo shaac baxeen warar sheegaya in qaar ka mid ah xubnahaasi ay dhawaan ka soo dhex muuqan doonaan liiska kale ee isku shaan-dhayneed ee Madaxweyne Siilaanyo ku samayn doono xukuumadda iyada oo dadka sida weyn loo hadal hayo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaddii Daahir Rayaale Mudane Danjire Xuseen Cali Ducaale oo Cawil loo yaqaano oo muddo ku magacawnaa xilka la taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweyne Siilaanyo halka sidoo kale la hadal hayo Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo isaga qudhiisu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka.
Siyaasiyiintan labada ah ee Cawil Cali Ducaale iyo Siyaasi Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii xisbiga UDUB ee ay sida weyn wakhtiyada qaar isaga soo horjeedi jireen Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigiisa balse in muddo ah waxa ay hadda ka mid ahaayeen siyaasiyiin xil-sugeyaal ah oo dibad joog ah si weyna ugu dhaw qasriga Madaxtooyada kuwaasi oo mar walba filayay in ay ku soo baxaan liiska isku-shaandhaymaha Madaxweynaha balse wakhtigan la sheegay in ay aad ugu dhaw yihiin in ay ka mid noqdaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyada oo xogaha arrinkan la xidhiiidhaa tibaaxayaan in Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md. Danjire Cawil la filayo in uu xil miisaan leh oo wasiirnimo ku ruqaansan doono.
Isku-shaandhaynta la filayo in Madaxweyne Siilaanyo dhawaan oodda ka soo qaado ayaa la filayaa in ay noqon karto marka uu ka soo laabto safar la sheegay in uu dhawaan ugu bixi doono dalka dibaddiisa isaga oo la sheegay in uu u safri doono Carriga Ingiriiska.

Comments are closed