|

Xogo Hoose Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabka Loogu Kala Hagaagay Woxogaagii Yaraa Ee Somaliland U Soo Hadhayey Ee 35%-Ka Ahaa

Hargaysa 29.May 2016 (SDN/QJ):- Inkasta oo aan si fiican looga wada bogan oo aanay dibada usoo wada bixin waadixnimada nooca uu yahay iyo sida uu u dhigan yahay Heshiiska Dekeda Berbera ee Shirkada DP-World kula wareegayso,Haddana Tibaaxaha hor dhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in dhinaca Somaliland sheerka ay ka helayso heshiiskaasi ee ah 35%-ka isaga laftiisana si gaar ah qorshe looga gaadhay oo meel lagu tiiriyay.

XOGO HOOSEIllo-Wareedyo u dhuun daloola Heshiiskaasi oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in shareka 35% – ah ee ay Somaliland ka helayso Heshiiskaasi 15% ka mid ah uu toos ugu dhacayo qoyska Madaxweyne Siilaanyo oo uu uga wakiil yahay Wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo Sodogga u yahay Baashe Cawil Cumar,halka warbixinta lagu sheegay inuu kula jiro heshiiskaasi dambe ee qaybiska 15%-ka Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo la sheegay in wax looga ogolaaday Percentage-kan qayb ka mid ah. Warar kale ayaa sheegaya in Wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan uu isaguna kula qayb ku leeyahay.

Sida warbixinta lagu sheegay Waxa qasnada dawlada ku dhacaysa oo Somaliland-ta kale u hadhaysa 20% ka hadhay,taasi oo sida la sheegay iyadu toos ugu dhacaysa Qasnada Dawlada. Lama garanayo waxa laga yeelayo lacagtan Qoyska Madaxtooyadda iyo Halka ay ku dambayn doonto kadib doorashada madaxtinimada Somaliland ee dhacaysa 2017-ka,balse Sida la aaminsan yahay waxay Qoyska Madaxweyne Siilaanyo gunta u giijisteen inay soo saaraan Madaxweyne iyaga taabacsan oo ka dambeeya oo u illaaliya Danaha iyo Ilaha Dhaqaale si ay ugu sii socdaan oo ay umaalaan.

Comments are closed