|

Xogo Hoose oo iftiimiyey Is-fahan Hor leh oo Laga gaadhay Arrintii Xasan Daahir Aweys

asad Muqdisho:40-aug-2013 (SDN) Warar Hoose oo si weyn loogu kalsoon  oo warbaahyahay lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda ntu heshay, ayaa sheegaya inay jirto is-af-garasho hoose oo dhex martay Xasan daahir Aweyn iyo Dawladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Xasan Daahir Aweys oo dhawaan gacanta dowladda soo galay ayaa hadda ku xidhan xabsi ay maamulaan nabad sugida, waxaana maalmahan magaalada Muqdisho ka socda kulamo lagaga hadlaayay sida laga yeelayo hoggaamiyahan waayeelka ah.

Xogtan ayaa sheegaysa in Wasiiru-dowlaha madaxtootada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir uu Warqad ka soo baxday Villa Somalia  ku wareejiyay odayaal ay isku beel yihiin sheikh Xasan oo si weyn uga biyo diidsanaa sida loola dhaqmay Xasan Daahir.

Warqada lagu wareejiyay odayaasha Xasan Daahir Aweys ay isku beesha yihiin waxaa ku qoran labo qoddob, kuwaasoo kal hore loo soo bandhigay Xasan Daahir, balse uu markaas hore ka dhego adaygay.

Labada qoddob ee Xasan Daahir Aweys markale loo soo bandhigay ayaa kala ah:

1-In Xasan Daahir Aweys uu gabi ahaan ka tanaasulo fikirka Jihaadka iyo in uu ka baxay Al-Shabaab isla markaana aanu aqoonsaneyn.

2-Waxaa loo sheegay inuu  ka shaqeeyo sidii qaranimo lagu gaadhi lahaa iyo in uu joojiyo dagaalka uu kula jirro ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.

Dhinaca kale xogtan hoose ee la helay, ayaa sheegaysa in Xasan Daahir ay  Dawladdu siisay laba Arrimood oo muhiim u ah, waxana ay labadaa arrimood kala yihiin:

Xasan Daahir Aweys waxaa loo sheegay hadii uu doonayo in uu furto xisbi siyaasi laakiin aan dagaal wax ku raadin iyo mabda’a jihaadka uu dalka joogi karo.

Iyo in haddii uu rabo in uu loo wareejiyo waddan kale si uu halkaas uga noolaado in dowladda ay siin diinto Diplomatic Passport.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Xasan Markii  arrintan loo sheegay uu si weyn madaxa ugu ruxay, islamarkaana uu sheegay  in uu saxeexi doono labada qoddob ee lagu xidhay si uu helo xoriyad, balse wuxuu sheegay in uu wadatasho la yeelanayo odayaasha iyo waxgaradka ee ku soo booqda Xabsiga uu ku xidhan yahay.

Arrinka Xasan Daahir Aweys ayaa intii muddo ahaydba u muuqday mid ka soo raynaya oo is-af-garasho ku dhaw, waxana haatan uu muuqdaa mid gebogebo ku dhaw, maadaama xasan uu haatan nin da’ ah yahay waxa uu u egyahay nin garwaaqsaday inuu Cirgiisa inta ka hadhay ku qaato ka shaqaynta Nabadda somaliya.

 

Somalidiasporanews.com

Muqdisho/soomaaliya

 

Comments are closed