|

Xogo Halis Badan oo Laga Helay Doorka Faafitaanka Fikirka Shiiciga Iyo Takfiirku Ka Marayo Somaliland, Shirkii Shiicada Afrika Ee Diridhaba Ka Dhacay Oo Ay Ka Qayb Galeen Kooxo Dalka Ka Tagay

Hargaysa 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Iyada oo ay isa soo tarayso walaaca Culimada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ka qabo fikradaha halista ku ah caqiidadeena suubban ee Diinta Islaamka, Dhibaatooyinka dhaqan xumo ee dibadaha la innooga so waariday, kooxaha aaminsan mabaadii’da halista ah ee dhawaan soo baxa ah iyo guud ahaan xaaladaha dhinaca fusuqa iyo fasahaadka dalka lagu dhex fidinayo ayay noo suurto gashay in aannu Shalay oo Jimce ahayd waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelano Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Md. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle Cali oo Wargeyska FOORE la wadaagay xogo layaab badan oo u baahan in shacabku ku waano qaato xukuumadda iyo culimaduna iska kaashato sidii dalka looga sifayn lahaa, waxna looga qaban lahaa.

guddoomiyaha-wanaag-faristaGuddoomiyaha Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Md. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle, Ilaahay haka abaal mariyo wanaagga ay bulshada u wadaane waxa aannu si gaar ah uga waraysanay halista Faafitaanka Fikirka Shiicada ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland, Kooxaha loo yaqaano Al-hijra Wal Takfiir, Sixirroolayaasha oo muddooyinkan dambe ku soo noqday dalka iyo guud ahaan Macaasida oo laga dayrinayo heerka ay dalka ka marayaan isticmaalka Maandooriyayaasha Khamriga iyo xashiisaddu iyo waliba guryo iyo huteelo lagu tunto oo guddida Wanaag Faristu xogo gaar ah ka hayso oo ay dawladda kala shaqaynayso sidii wax looga qaban lahaa.

-Halista Fikirka Shiiciga Ah Iyo Somaliland:

Ugu Horrayn Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Md. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle waxa uu walaac ka muujiyey fiditaanka Fikirka mad-habka Shiiciga oo Somaliland looga soo waaridayo dalal shisheeye iyo kuwo jaarkeena ah oo uu ku tilmaamay in ay wadaan kooxo uga hawl galaya gudaha dalka si qarsoodi ah isaga oo farta ku goday Sheekhu Mu’asadad lagu magacaabo Aayatullaah Al-Khumayni oo xarunteedu ku taallo Xamar lagana leeyahay dalka Iiraan balse niman reer Somaliland ahi mashruuc ku soo qaateen sidii ay laan ka mid ah uga hir galin lahaayeen Somaliland kuwaasi oo farac cusub si qarsoodi ah uga dhex furtay Hargeysa, Guddida wanaag Farista iyo Sirdoonka qarankuna ku hawlan yahay sidii ay u kashifi lahaayeen muddona ku daba jiraan.

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle waxa uu noo sheegay in kadib shirkii shiicada qaaradda Afrika ee sannadkan lagu qabtay magaalada Diridhabe ee dalka Itoobiya ay kooxo Somaliland ka socday ka qayb galeen kuwaasi oo markii ay dalka ku soo laabteen si qarsoodi ah dalka uga dhex fidinaya fikirkaasi isaga oo xusay in ninkii Baakistaaniga ahaa ee dhawaan dalka lagu qabtay, lagana mastaafuriyey uu dalka ku dhex qaybinayay 200 oo buug oo shiici ah in badan oo dadka aaminsan fikirkaasi ahina ay ku dhex dhuumanayaan bulshada inkasta oo buu yidhi sheekhu aanay badnayn oo ay is qarinayaan. Sheekhu waxa uu noo sheegay in dadka fikirkaasi wadaa ay laba nooc u qaybsamaan kuwaasi oo kala ah:

  1. Kuwo dibadda ka yimid oo fikirkan fidinaya balse qarsoodi ku shaqaynaya
  2. Kuwo kale oo gudaha ku nool oo la qaadsiiyey fikirkan balse dhammaantood labadan qoloba ay si qarsodi ah hawlahan u wadaan.

-Kooxaha Al-hijra Wal-takfiir

Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Md. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle oo aannu wax ka waydiinay kooxdii dhawaan lagu qabqabtay magaalada Burco iyo guud ahaan sida ay dalka uga hawl galaan , waxa uu noo xaqiijiyey in kooxdaasi Burco masaajid gaar ah ku lahaayeen balse dhawr iyo labaatan qof laga qabqabtay, wallow aanay badnayna haddana ay halis ku yihiin amniga qaranka iyo caqiidadeena saalixa ah isaga oo sheekhu dawladda iyo culimada ku ammaanay doorkii ay kooxdaasi ka qaateen ee lagu qabqabtay. Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu noo sheegay in dadka fikirkan aaminsan oo Soomaaliya iyo kililka shanaad u badan ay sidoo kale weheliyaan oo ay fikirkaasi xambaarsan yihiin qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda qawmiyadda Oromada isaga oo si gaar ah u soo qaatay in qaarkood dalka kaga shaqaystaan xirfado ay ka mid yihiin Sallaanka la isku miisaamo ee ay waddooyinka dhigtaan, qaar ka mid ah oo guryaha ka buufiya cayayaanka iyo kuwo kale oo ku shaqaysta xamaalista iyo kaarnoonayaasha. Mar uu waxbaayaha ay aaminsan yihiin ka hadlayay waxa uu sheekhu sheegay in ay aaminsan yihiin in dadkeenu gaalo yihiin oo caqiidadoodu xun tahay sidoo kalena ay qaar ka mid ahi haweenka fikrado khadlan kaga dhaadhiciyaan in raggoodu caqiido xun leeyihiin ee ay iska furaan, taasoo halis ku ah qoysaska reer Somaliland bulshadana kala kaxayn karta haddii aan dawlad, shacab iyo culimo la iska kaashan sidii wax looga qaban lahaa.

-Khamriga, Xashiishadda Iyo Goobaha Lagu Tunto:

Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Md. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle waxa uu sidoo kale ka hadlay isticmaalka maandooriyayaasha Khamriga iyo Xashiishadda oo heerkii ugu sarreeyey dalka ka maraya iyo waliba goobo uu sheegay in lagu tunto oo rag iyo haween isugu yimaadaan oo magaalooyinka waaweyn gaar ahaan Hargeysa si weyn ugu soo batay kuwaas oo uu sheegay in ay ka war hayaan ciidamadana kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa isaga oo sheekhu sheegay in ay jiraan Huteelo iyo Guryo waaweyn oo Fiilooyin ah oo lagu tunto sidoo kalena lagu isticmaalo khamriga iyo xashiishadda oo uu sheegay in si weyn looga ganacsado loona isticmaalo, taasina dhibaato weyn ku keenayso diinteena iyo dalkeena oo amnigiisu halis gali karo.

Talooyin Iyo Gabogabo:

Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Md. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle waxa uu ammaanay doorka shaqo ee Culimada iyo wada shaqaynta ballaadhan ee ay la leeyihiin laamaha ammaanka iyo wasaaradda Diinta Somaliland isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo dadaalkaasi haddii kale dalkeenu halis gali karo. “Waxa muuqata in duullaan lagu soo qaaday caqiidadeenii iyo dhaqankeennii suubbanaa. Waxa dalkeenii maanta soo galay fikirro halis ah oo aynaan hore u aqoon oo loo baahan yahay in shacabku culimada kala shaqeeyo oo dawladdooda kala shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa. Waxa aan ku baaqayaa in dadkeenu ogaadaan cidda ay guryaha ka kiraynayaan cidda ay tahay. Maxaa gurigaagii aad xalaasha ku dhisatay lagaaga kiraystay?, ma og tahay waxa lagu qabto. Waxa aan si gaar ah ciidamada iyo sirdoonka kula dardaarmayaa in ay laban laabaan dadaalkooda oo ay daba gal ku sameeyaan arrimahaasi aan soo sheegnay oo dhan maxaa yeelay waxa la innoogu soo gabbanayaa amnigaa ilaahay inna siiyey oo mid kasta oo dhibaato wataa waxa uu is leeyahay Somaliland ayaad ku dhuuman kartaa” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Md. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle mar uu wargayska FOORE shalay la hadlayay isaga oo sheegay in ay soo laabteen Sixirroolayaashii dadka sirxi jiray oo in muddo ah laga raystay kuwaasi oo u baahan in iyana wax laga qabto.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa dadaalo ballaadhan waday Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista oo si weyn uga hawl galayay dhibaatooyinka dalka ku soo kordhaya ee dhinacyada fikirada xun iyo dhaqan xumada.

Comments are closed