Xogo Dheeraad ah Dilkii Wasiirka Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka oo Dablay Hubaysani ku Toogteen nawaaxiga Madaxtooyada Cidda dishay & Masuuliyiin ka hadlay
Muqdisho 03. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidan la socday Hanti-dhowrka Guud ee dalka Nuur Farax, ayaa caawa toogtay wasiirka howllaha guud iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya Cabas Cabdullahi Siraaji,Waxaana Dilay Wasiirkan Ciidammo ka tirsan kuwa dawladda; sida uu xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Yariisow.
Cabbaas Cabdillaahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirka howlaha guud iyo dib-u-dhiska, ayaa waxa toogasho ku dilay Ciidammada dawladda, sida uu bartiisa Facebook-ga ku soo qoray Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yarisow.
Ma cadda weli sida ay ku timid is-isrisaaseynta uu Wasiirku ku dhintay oo ka dhacday agagaarka Madaxtooyada iyo waxa sababay toona. Hase-yeeshee, Wasiirka Warfaafinta, ayaa sheegay inuu baadhitaan socdo, falkaas oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Balse, warar Madax-bannaan oo Muqdisho laga helayo, ayaa sheegaya in Rasaasta Wasiirka ku dhacday timi, markii ay isku dhaceen, isla markaana rasaas is-weydaarsadeen ilaalada Wasiirka geeriyooday iyo Masuul kale oo dawladda ka tirsan ilaaladiisa, kaas oo aan weli la sheegin magiciisa iyo masuuliyadda uu yahay.
Warku Wuxuu intaas ku darayaa in Wasiirka Geeriyooday uu la Socday Wasiir Kale oo Ka Tirsan Dawlada Madaxweyne Farmaajo kaas oo la sheegay inuu ka badbaaday rasaasta lagu furay gaarigii ay la socdeen.
Marxuum Cabaas ayaa ka mid ahaa wasiiraddii la dhaariyay bishii March ee sanadkan, waxaana uu ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa ee abid kasoo muuqda wasiirada Soomaaliya, sidoo kallana waxaa uu ahaa xildhibaan laga soo doortay magaalladda Kismaayo.
Marxuum Cabaas, oo 31-jir ahaa ayaa waxaa uu wax ku bartay kuna bar-baaray xeradda Dhadhaab ee dalka Kenya, ka hor inta siyaasada uusan kusoo biirin.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Injineer Cabdiraxmaan Yariisow ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku xaqiijiyey geerida Isla Markaana sheegay in baadhitaan socdo.
Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa booqday Cusbitaalka la geeyay Meydka Wasiirka, waxaanu Tacsi u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wasiirkaasi, waxaanu Allaah uga beryey in uu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo Marxuumka.
Ma’aha wax cusub is rasaaseynta inta badan dhaxmarta ciidamada dowladda hasse ahaatee waa markii ugu horeysay oo kala shakiga ciidamada uu ku geeriyoodo mas’uul ka tirsan gollaha xukuumada.