Xogo Daaha Ka Fayday Inay Ciidamada Militeriga Somalia Hubkoodii iyo Rasaastoodii Iibinayaan Kadib Markii ay 6-Bilood Waayeen Wax Mushahar ah
Muqdisho:Jully,03,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo ciidamada qalabka sida ee Somalia, waxa Bilaabmay qorshe ciidamadaasi ku iibinayaan Hubkii ay lahaayeen, iyagoo sidoo kale Rasaastii ay haysteen iibkeeda bilaabay.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ciidamadaasi sidaas u yeeleen kadib markii ay waayeen mushaharaadkoodii muddo lagu qiyaasay lix bilood, iyagoo hubkooda iyo rasaastoodaba ciddii ay lacag ka helaanba ka iibinaya.
Saraakiil ciidamada katirsan ayaa warbaahinta qaarkeed u xaqiijiyey jiritaanka Arrintan, waxana uu intaas ku daray in tallaabadani ay dhaawac weyn ku tahay dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab, xilli waqtigan ay dadku dareemayaan Shabaabku inay xoojiyeen weerarada, ay ka gaysanayaan Gobolada Koonfurta iyo Badhtamaha Somaliya.
Madaxtooyada Magaalada Muqdisho waxaa lagu dhaliilaa inaanay ku fiicnayn bixinta mushaharaadka Ciidamada Qalabka Sida, xilli askartu ay la xidhiidhaan qoysas iyo ehelo.
Dadka qaarkood, ayaa cudurdaar u yeela tallaaba kasta oo ay qaadaan Ciidamada Dowladda, haddii baahidoodu ay joogto tahay, isla-markaana ay ku tiirsan yihiin uun Dowladda Federalka.
SDN/QJ