|

Xogo Cusub Oo Daaha Ka Fayday In Guddoomiyihii Hore ee Baanka Somaliland Xilka Ku Waayey Lacag Uu Ka Hor Istaagay Wasiir Ay Madaxweynaha Isku Beel Yihiin

Hargeysa:Mar,20,2015(SDN/QJ)-Xogo dheeraad ah, ayaa la helayaa sababihii xilka looga qaaday Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo dhawaan Madaxweynuhu caydhiyey, waxana haatan muuqata inuu jiro isku dhac hoose oo ka dhashay lacago uu Guddoomiyuhu iska hortaagay xubin awood badan oo kamid ah Golaha wasiirrada dalka.

cabdi dirXogaha soo baxaya, ayaa sheegay in Guddoomiye Cabdi Dirir uu Lacag dhan $500,000,  u diiday Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, kaas lacagtaas si degdeg ah usoo dalbaday.

Guddoomiye Dirir, ayaa sababta uu lacagtaas isku hortaagay lagu sheegay inay ahayd kaliya hannaan shuruucda lacag la bixidda baalmarsan, balse uu wasiirka Awooodda badan ee Duulista Hawadu si degdeg ah dacwadiisa ugu celiyey Dhinaca madaxtooyada oo soo saartay waraaqda Xilka-qaadista Guddoomiyihii hore ee Baanka.

Waxa wararku intaa ku darreen in Wasiirka Duulistu qaadashada Lacagtaas uu amarkeeda kala yimi dhinaca Madaxtooyada, inkasta oo ilo-wareedadu ay ka gaabsadeen inay bixiyaan faahfaahin dheeraada oo la xidhiidha ujeedada iyo hawlaha Lacagtaas lagu qaban lahaa, hadana waxa xogaha lagu sheegay in Wasiirka Duulistu dalabkiisa ku darsaday in lacagta looga-dhigo Noodhkeeda Dollar, (Lacag caddaan ah oo Dollar ah).

Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Md. Axmed Diriir, ayaa dhinaciisa ilaa iyo hadda aan waxa faah-faahina ah ka bixin asbaabaha dhabta ah ee loo cuskaday xil ka qaadistiisa,wallow waraysi uu bixiyey intii xilka laga qaaday uu ku muujinayo inaan Madaxweyne Siilaanyo waxba kala socon xil-ka-qaadistiisa, hase-ahaatee uu u arkay talaabo yimi meel ka sokaysa Madaxweynaha.

Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sidaas ku iftiimiyey Waraysi uu siiyey Shebekadda Hadhwanaagnews todobaadkan, iyadoo weedhaha ka soo yeedhay, sii xoojinayaan hadalo hore uga soo baxay Masuuliyiin xilalka laga qaaday iyo kuwo iskood isu-casilay oo daboolka ka qaaday inaanay talada dalku gacanta Madaxweynaha ku wada jirin ee awooddiisa lala wadaago.

Si kastaba ha ahaatee, Dhacdadan ayaa haddii ay dhabb noqoto, waxa ay rumayn doontaa Wararkii sheegay in xubnaha “Bidixda-dhex” ee Wasiirka Duulistu hogaaminayey durba door-muuqda ku leeyihiin taladda lagu hoggaamiyo dalka, kadib markii ay ka awood bateen garabkii kasoo hor-jeedya ee xubnaha “Middigta-Fog”, kooxdaas oo sida dadka siyaasadda rog-rogaa aaminsanyihiin u muuqda kuwo ilko-beelay oo ay shiiqday awoodoodii Maamul ee Jaan-goynta Siyaasada Xukuumaddu.

 

Xigasho:Wargeyska Yool

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed