Xogo ay Sirdoonka Djibouti soo Gudbiyeen oo Lagu Gelalafayo Goobo Ku Yaalla Caasimadda Hargeysa
Hargeysa:Aug,10,2014(SDN/QJ)-Tan iyo intii ay qaraxyadu ka dhaceen Dalkaasi Djibouti badhtamihii sanadkan, waxa Somaliland dhexdeeda laga dareemay dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ciidanka sirdoonka Djibouti ka dhex wadaan Goobo ku Yaalla somaliland gaar ahaan Hargeysa.
Sida ay sheegayaan xogaha Qurbejoog.com ay Heshay, waxa ay Sirdoonka Djibouti aaminsan yihiin inay Hargeysa tahay goobta laga soo abaabulay Weerarkii dalkeeda ka dhacay, iyadoo taas Beddelkeedan ciidamo hoose keensatay Somaliland, kuwaas oo daba-gal xoogan ku haya shakhsiyaad badan oo daka u dhashay qaarkoodna la xidhay.
Dhaqdhaqaaqyadaas oo xawaare sare ku socda, ayaa waxa lagu qabqabtay dad badan oo reer Somaliland ah kuwaas oo qaarkood loo dhaadhiciyey ilaa Djibouti, halka qaar kelena wali ku jiraan Jeelasha dalka. Baadhitaannana lagu wado wali.
Hawgallada ay sirdoonka Djibouti ka wadaan Somaliand, ayaa waxa fulinaya Ciidanka RRU-da oo aqallo badan u daatay muddooyinkii ugu dambeeyey, waxana qayo dhaani ka soo yeedhaysaa Qoysas iyo reero dhaqanno qarriban ay ciidankani kula kaceen.
Hawlgalllada ay sirdoonka Djobouti ka wadaan gudaha Somaliland ayaan wali dhammaanin, waxana ay maalintii shalay guryo ku yaalla xaafadda Axmed-dhagax kala soo baxeen shakhsiyaad reer Somaliland ah oo ay muddo badan daba socdeen.
Sidoo kale waxa jira shakhsiyaad kale oo la daba socdo, isla-markaana lagu wado in dhawaanahan loo daato, maadaama hawlgalkii wali aanu dhammaanin oo uu socdo.
Tallaabooyinka noocan oo kale ah ayaanay xukuumadda Somaliland wali ka jaahilsaarin shacabkeeda, waxana isa soo taraya cabashooyin ay tirsanayaan dadka aqalladooda loo daatay oo xatooyo inay ku dhacday sheegtaa.
Ka hor intii aanay qaraxyadu ka dhicin dalka Djibouti ma ay jirin hawlo sida kuwan haatan socda ee RRU-du fulinayso oo kale ahi, waxase imika dalka ka socda Daba-gal iyo hawlgallo aan kala joogsi lahayn oo ay wadaan Sirdoonnka Djibouti oo ka midho dhalinaya tuhun ah in Somaliland noqotay meel qaraxyada laga soo abaabulo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com