Xoghayihii Hore ee gobolka Saraar oo xilkii wareejiyay
Caynaba Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Xoghayihii hore ee Gobolka Saraar Cawil Axmed dheereeye ayaa maanta si rasmi ah Xilkii ugu wareejiyay Xoghaye cusub oo dhawaan wasaarada arrimaha gudaha Somaliland u magacowday.
Munaasibad loo sameeyay xil-wareejintan labada Xoghaye Xilalka kula wareegeen oo ka dhacday xarunta Gobolka Saraar ee Caynaba ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka Gobolka Saraar, gaar ahaan Badhasaab ku-xigeenka Gobolkaasi, Maayir ku-xigeenka degmada Caynaba iyo Taliyaha qaybta Bilayska ee Gobolka Saraar, kuwaasoo munaasibadaasi ka soo jeediyay hadalo dardaaran iyo dhiiri gelin isugu jira.
Maayir ku-xigeenka Degmada Caynaba Abokor shide Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xoghayahan xilka wareejinayaa wax badan qabtay mudadii uu joogay Xafiiska Gobolka saraar, isla markaana ku amaanay sidii fiicnayd ee uu ula shaqayn jiray maamulka Gobolka iyo ka degmada Caynaba.
Taliyaha Qaybta Bilayska ee Gobolka Saraar Jaamac Ibraahim Food-cadde ayaa isaguna amaanay Xoghayaha Xilka wareejinaya, isla markaana masuulka cusub ee loo magacaabay Xilkaasi ku booriyay inuu halkaasi ka sii wado hawlaha gobolka ee loo igmaday.
Col Jaamaca waxa kale oo uu xafladaasi ka sheegay in Guddoomiyaha Gobolku u soo igmaday inuu labada masuul xilka u kala wareejiyo.
Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saraar Ibraahim Jaamac Hur-hun oo isna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Xoghayaha cusub ee xilka la wareegaya, isla markaana xoghayihii hore uga mahadnaqayaan wada shaqayntii ka dhaxaysay, isagoo dhinaca kalena masuulka cusub u soo jeediyay inuu la yimaado karti iyo hufnaan la xidhiidha shaqada uu qaranka u qabtay,waxaanu balan qaaday inuu si fiican ula shaqayn doono.
Xoghayaha cusub ee xilka la wareegay C/risaaq Cali Daad oo isaguna xafladaasi kelmado kooban ka soo jeediyay ayaa balan qaaday inuu si daacad ah u gudan doono xilka cusub ee loo dhiibay, una mahad celiyay Xoghayihii hore ee gobolka Saraar.
Qurbejoog-Caynaba