|

Xoghayihii Fulinta Ee Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Xilka Laga Qaaday Kadib Muran u dhexeeyay Isaga iyo Maayar Solteco

Hargaysa 20. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa xilka ka qaaday Xoghayihii fulinta ee Dawladda Hoose Axmed Maxamed Cabdillaahi (Derajo).

Wasiirka, ayaa Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa u Magacaabay Mowliid Kayse Maxamed (Mowliid-Qaro) oo hore ahaa Guddoomiyaha Degmada Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargeysa.

Sidaana waxa lagu sheegay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Saxaafadda la soo gaadhsiiyey.

Xoghayaha Xilka laga qaaday oo Xilka hayay Muddo Sannad ka yar, ayaa waxa Muddooyinkii u dambeeyay uu khilaaf dhanka Maamulka ahi ka dhexeeyay Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko).

Warar hoose, ayaa sheegay in Xoghayaha Xilka laga qaaday ka dib markii uu Maayarku uga dacwooday Madaxtooyada iyo Wasiirka Arrimaha gudaha.

Comments are closed