|

Xoghayihii Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Oo Isku-diwaangelinaysa Muslimnimo & Sababta Ku Keliftay

Washington 01. February 2017 (SDN/QJ):- Xog-hayihii hore ee Arrimaha dibadda Dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay Muslim ahaan isu diiwaangalin doonto haddii Madaxweyne Donald Trump uu sameeyo diiwaangalin u gaar ah Muslimiinta Maraykanka.

Madeleine Albright oo siyaasiyad ah ayaa sheegay in ay diyaar u tahay ‘diiwaangalintaas” iyadoo uga gol leh inay ka horjeedaan qorshaha Madaxweynaha.

Albright oo ah haweenaydii u horaysay ee Maraykanka ka noqota xoghaye arrimo dibadeed ayaa Twitter-keeda ku soo qortay in mad-habta Kaatoligga lagu barbaariyay, laakiin ay mar dambe ogaatay in qoyskeedu uu Yuhuud yahay.

“Waxaan diyaar u ahayn inaan Muslim ahaan isu diiwaangeliyo aniga oo garab istaagaya Muslimiinta Maraykanka.” ayay ku soo qortay Twitter-keeda, tobanaan kun ayaana muujiyay in ay arrintaas u bogeen iyaga oo ku muujiyay calaamadda Suultaagidda ama Like saaray.

Hadalkeedan ayaa yimid iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu Saxeexay in baadhitaan adag lagu sameeyo, qaxootigana la mamnuuco, lana mamnuuco in dadka ka imanaya todobo dal oo ay ku jiraan Suuriya, Yemen,Somalia iyo Ciraaq.

Comments are closed