|

Xoghayaha Warfaafinta WADDANI Oo Hambalyeeyay Dawladda Cusub Ee Soomaaliya, Eedaymana U Jeediyey Xukuumadda Somaliland

Hargaysa 23. March 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ha ee WADDANI ee Somaliland Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa Hambalyo u diray Xukuumadda cusub ee uu doraad Golaheeda Wasiirrada Magacaabay Raysal-wasaaraha Dalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa Munaasibaddii uu kaga dhawaaqay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya wuxuu ka sheegay in Masuul kasta oo Xil Wasiirnimo looga Magacaabay Soomaaliya la diwaangelin doono Hantida uu imika haysto si hadhow hadduu Musuqmaasuq sameeyo loogula xisaabtamo, sidaasi darteed ayaa Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Xasan Mataan wuxuu Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya ku hambalyeeyay inay Soomaaliya ka dhalatay Dawlad diyaar u ah la xisaabtan, halka uu taa beddelkeedana eedaymo musuqmaasuq u jeediyey Xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakadda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook ka dib markii Doraad lagu dhawaaqay Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Qoraalka Xoghayaha Warfaafinta WADDANI, ayaa u qornaa sidan “Waa wax lagu farxo in Soomaaliya ay ka dhalato dawlad Madaxwayne iyo Ra’iisal Wasaaraheedu xisaabtan diyaari u yihiin oo ballan-qaaday inay wasiirradooda la xisaabtami doonaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Halka Madaxdii Somaliland ay ka fogaadeen xisaabtan isla-markaana xeerkii iyo goleyaashiiba la isku dhex afduubayo.”

Xoghayaha Warfaafintu wuxuu u duceeyay Raysal-wasaaraha Soomaaliya, “Sida uu codsaday Raiisalwasaaruhu waan ugu ducaynaynaa in ilaahay u fududeeyo una hirgaliyo hamigooda waxqabad.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey “Somaliland waxaan ilaahay uga baryaynaa hoggaan khayr qaba oo xisaabtan ogol.”

Comments are closed