|

Xoghayaha Siyaasada Xisbiga WADDANI Ee Qaarada Yurub Baxnaan Xaaji Aadan Oo Qalab Ciyaareed Ugu Deeqay Laba Kooxood Oo Ka Dhisan Degmada Faca-weyn Ee Cadaadley

Cadaadley 04.July 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha arimaha Siyaasada Xisbiga WADDANI u qaabilsan qaarada Yurub Md Baxnaan Xaaji Aadan Ismaaciil oo muddooyinki ugu dambeeyey ku sugnaa dalka ayaa qalab ciyaardeed dhemaystiran ugu deeqay laba kooxood oo ka dhisan degmada Faca-weyn ee cadaadley.

71480988-1d6e-4c9f-8b07-b145b2344939Deeqdan oo ka koobnayd dirays iyo kubado ayaa wuxu Xoghaye Baxnaan ku wareejiyey guddoomiyaha degmada Cadaadlay ee Xisbiga WADDANI,taas oo munaasabad lagu kala gudoomanayey qalabkaasi ay ka dhacday xarunta Xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi-jeex.

 

Md Baxnaan Xaji Adan oo halkaasi ka haddlay ayaa sheegay qiimaha iyo ciyaarta kubada cagta ay leedahay dhankasta oo laga eegoba,isagoo xukuumadda iyo gacansatada ugu baaqay in ay dhalinyarada ku dhiirigeliyaan ciyaarta kubada cagta iyo ciyaaraha kaleba oo ay ku caawiyaan qalabyada ay u baahanyihiin,waxaanu xusay in aanay deeqdanu noqon doonin tii ugu dambeysay ee uu gaadhsiiyo bahda ciyaaraha degmada Cadaadlaye,balse uu joogtayn doono,waxaanu xukuumadda ku canaantay in ay indhaha ka lalinayso taageero ay u fidiso kooxaha kubada cagta ee ka dhisan degmada Faca-weyn ee cadaadlay.

 

Dhanka kalena waxa isna halkaasi haddalo mahadnaq u badanaa ka jeediyey guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee degmada Cadaadlay Cabdi Caydiid Cigaal,kaas oo isaga lagu wareejiyey qalabkaasi si uu u gaadhsiiyo labada kooxood ee loogu deeqay,waxaanu sheegay in uu aad ugu mahadnaqayo Md Baxnaan Xaaji Aadan oo qalab ugu deeqay labada kooxood ee F. C. Cadaadley Iyo kooxda Ifiso oo ka dhisan degmada Cadaadley.

Gebo gebadii waxa halkaasi ka haddlay xoghayaha gobolka maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI Mahad Xaaji Aadan Farax “Qasbaaye”isagoo wasaarada ciyaaraha eedamyo tusha u saaray,isla markaan sheegay in aanay wasaarada Ciyaaruhu xabad kubada ah weligeed gaadhsiinin degmada Cadaadlay,waxaanu ugu baaqay qurba joogta dhalasho ahaan ka soo jeeda degmada Cadaadlay in ay ka qayb-qataan horumarinta degmada iyo dhiirigelinta dhalinyarada,isla markaan ay ku daydaan Md Baxnaan Xaaji Aadan oo habeen iyo maalin ku hawlan arimaha samofalka bulshada deegaanada uu ka soo jeedo ee bariga Hargeysa.

Comments are closed