Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Ucid oo jawaaab adag ka bixiyey hadal ka soo Yedhay Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga ucid iska Casilay Cabdirashiid Xasan Mataan
London24Nov15(SDN/QJ) Xoghayaha Siyaasada iyo Hirgelinta Xisbiga Ucid Mudane Abokor Mohammed Shukri oo u waramiyey Warbaahinta ayaa waxa uu sheeegay in xisbiga UCID uu hore uga badbaadey shirqoolkii foosha xumaa ee ay la maganayeen Gudoomiyaha Barlamanka ahna Gudoomiyaha Xisbiga wadani iyo asxaabtiisa Waxay maantanna ku soo qaadeen duulaan qaawan iyo faragolin .Xisbiga wadani iyagoo isku dhufanaya gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ay colaad ba’an u qabaan iyo musharixiintii xusbiga ucid hadalkii maanta ee Cabdirashiid Xasan Mataan waxaan u aragnaa inuu yahay caroogii iyo durbaanadii colaadda oo uu wadani tumayo waxaanse leeyahay mar iidage allah ha dago marlabaad idagase anaa dagan Uucidna maanta waa idiin diyaar, xusbiga wadani wuxuu mudo ba ku mashquuley inuu Ucid oo kulmiye dagaal kula jira inuu dhabarka toori kala dhaco halkay kulmiye ka waajihi lahaayen.Xusbiga Ucid baa ugu da’da weyn xusbiyadda maanta dalka kajira waanna rukunka ugu adag rukumadda Dimoqaraadiyadda dalka ka hanaqaaday sidaa daraadeed marwalba waxaanu dhowranaynaa in xusbigayagu ku suntanaado taas oo dadka u sinaado cidna aanu u xidhnaan si xor iyo xalaal ahna loogu tartamo cid ka hor iman karta oo xusbiga odhan karta keli buu iigu xidhan yahayna ma jirto waana waxay ucid ku caano maashay.
Abokor Mohammed Shukri
Xoghayaha Siyaasadda iyo Hirgelinta Barnaamijyadda Xusbiga UCID