|

Xoghayaha IGAD oo booqanaya Somaliland

Hargeysa Jan 01,2012(qurbejoog.com)-Xogahayaha guud ee urur goboleedka IGAD oo booqasho ka jooga Somaliland ayaa kulamo uu la yeeshay golleyaasha Somaliland waxa uu u ga waramay ujjeedada socdaalkiisa.

Md Maxbuub Macalim oo kulan saacado qaadatay la yeeshay isku dhafka labada aqal ee Baarlamaan ee Somaliland ayaa ku soo bandhigay mashaariic ay IGAD dooneyso in ay ka hirgeliso Somaliland.

IGAD ayaa Somaliland ka caawineysa dhinacyada dhaqaale kobcinta,waxbarashada iyo ka hortaga baahida cudurka dilaaga ah ee HIV AIDS.

Gollaha Baarlamaanka Somaliland ayaa dhankiisa warbixino ka siiyay Xoghayaha IGAD xaaladihii u danbeeyay ee Somaliland.

Xoghayaha IGAD Md Maxbuuc Macalim ayaa lagu wadaa inta uu ku gudo jiro safarkiisan shaqo in uu la kulmo xubno ka tirsan gollaha wasiirada Somaliland.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed