Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani oo Mas’uul Cusub Degmada Sheekh u Magacaabay Kadib Markii Gudoomiyihii Waddani ee Sheekh uu Kulmiye Galay DAAWO
Hargaysa 15.Dec 2014 (SDN/QJ)- Xoghaya Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde ayaa xilkii ka qaaday guddoomihii Degmada Sheekh ee Xisbigaas Cali Jaamac Ibraahim (Cali Guray), waxaanu beddelkiisa si ku-meel-gaadh ugu magacaabay Cali aw-Maxamed Xasan.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ma sheegin sababta uu masuulkaas uga qaaday xilka uu xisbiga ugu qaabilsanaa degmada Sheekh, balse sida lagu sheegay qoraal ku taariikheysan 12-kii bishan oo xil-ka-qaadista iyo magacaabista isugu jirta, waxa uu xoghayuhu uga mahad-celiyey masuulka muddadii ay wada-shaqayn lahaayeen, isaga oo masuulka cusubna amray inuu xilkaas sii hayo inta uu si rasmi ah ugu magacaabayo.
“Waxaan uga mahad-celinayaa Cali Jaamac Ibraahim muddadii aanu soo wada-shaqaynay intii uu ahaa guddoomiyaha degmada ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Masuulka Cusubna waxaan farayaa inuu xilka si ku-meel-gaadh ah u sii hayo inta aan si rasmi ah ugu soo magacaabayo,”Sidaas ayey u qornaa qoraalka ku taariikheysan 12-kii December, kaas oo warbaahinta xalay la soo gaadhsiiyey.
In kasta oo aanu xoghayuhu Sababta Xil-ka-qaadista masuulka sheegin, haddana warar aanu ka helnay masuuliyiinta kale ee xisbiga Waddani, ayaa noo xaqiijiyey in Guddoomiyihii hore ee degmada Sheekh Cali Jaamac Ibraahim uu hoggaanka Xisbiga u gudbiyey cudur-daar ah inaanu sii hayn karin xilka uu xisbiga u hayo sababo al xidhiidha hawlo ganacsi oo aan u saamixi karin gudashada waajibaadkiisa.
Dhanka Kale Mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Mid Degmo ee Gobolka Saaxil ayaa ka qayb galay Xaflad lagu qabtay Degmada Sheekh isla Markaana lagu soo dhawaynayay Mas’uuliyiin uu Hor kacayo Gudoomiyihii Degmada Sheekh u qaabilsanaa Xisbiga Waddani oo ku biiray Xisbul Xaakimka Kulmiye.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com