Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo Sheegay in Wada Hadal u Socdo iyaga iyo Garabka Isbahaysiga Dimuquraadi doonka Kulmiye & Wasiirkii Hore ee Cadaaladda oo beeniyey DAAWO
Hargaysa 5. February,2016(SDN/QJ):– Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE, ayaa sheegay inay Wada hadallo kula jiraan Isbaheysiga Musharraxiintii KULMIYE ee ka cadhooday Shirkii Golaha dhexe ee Musharraxa Madaxweynaha loogu doortay Muuse Biixi Cabdi.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa sheegay inay Wada hadallo u socdaan Isbahaysiga Musharraxiintii KULMIYE oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Kijaandhe, Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi Yoonis, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Xildhibaan Waabeeye, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo Xubno kale oo ay isku Mawqif yihiin, waxaanu sheegay inay rejo ka qabaan inay heshiis wada gaadhaan.
Xasan Siciid Yuusuf oo u waramayey Telefiishanka Royal, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Wada Hadallo toos ah iyo kuwa dadban ba way jiraan, ma rejo xumin oo waalla heshiiyaa. Xisbi ahaan waxa naga go’an inaanu Raggaa (Isbahaysiga) soo dhaweynno, la hadallo, Gogosha u fidinayo oo wixii la tabanayo laga wada hadlo, laakiin, Shirkii Golaha dhexe Go’aamadii ka soo baxay in loo wada hoggaansamo waa Arrin Qasab ah, Annaga, iyaga iyo Cid kastaaba in loo hoggaansamaa Go’aamada Shirka Golaha dhexe waa mid waajib ah, wayna jiraan isku soo dhawaansho iyo Dad ka shaqeynaya arrintaasi oo la wada hadlo. Ninkii ka tagaya (KULMIYE) ee meel kale u jiheysanaya waa isaga ikhtiyaarkiisa oo Cid la qasbayaa ma jirto.”
Laakiin, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo Wargeyska Himilo waydiiyey sida uu u arko hadalka Xoghayaha Guud ee KULMIYE ee la xidhiidha Wada hadallo u furmay Isbahaysiga, ayaa ku jawaabay, “Anigu waxaan kuu xaqiijinayaa Cid Isbahaysigu Wada hadal rasmiya la fureen ma jiro. Guddidii Isbaheysigu dirtay Cidna islama hor-fadhiisan wada hadallo ay ku wada xaajoonayaan. Dadku markay iska soo hor-baxaan Colaad ma dhex taalo oo waa la isa salaamayaa oo waalla wada hadlayaa, laakiin, arrimihii Siyaasiga ah ee dhexdayada yaalay lagama wada hadal.”
Xuseen Axmed Caydiid oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Maalin hore oo la I wareystay waxaan in idhi in la wada hadlo la deedafeyn maayo oo in la wada hadlaa Mabnuuc maaha, Xisbiyada kale iyo KULMIYE-ba waa lala hadli, waayo? Waa halka arrintu ku dhammaanayso hadday talada dhulka dhigayaan oo wixii qaldamay dib loo saxayo, markaa haddii wixii qaldamay la saxayo Mabnuuc nagama ah inaanu wada hadallo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo dibaaqaya hadalka uu Xasan Siciid ku sheegay inay qasab tahay in lagu wada qanco go’aannada Shirkii KULMIYE, “Sideennu ugu qanacnaa Shir aanaan waxba ku lahayn, Albaabada laga xidhay, adeer lagu qanci maayo (Go’aannada Shirkii KULMIYE”