Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Oo Shaaciyey Wakhtiga La Soo Bandhigayo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga DAAWO
Hargaysa 15. August 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Mudane Xasan Siciid Yuusuf ayaa shaaciyey in dhawaan la soo bandhigi doono barnaamij siyaasadeedkii uu xisbigu ku galayey ololaha doorashada madaxtooyada.
Xoghaye Xasan Siciid ayaa sheegay inay haatan diyaariyeen barnaamijka xisbiga waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Barnaamijkii xisbigu waa diyaar mudo lix bilood ahna waa laga shaqaynayey haatana waa la diyaariyey oo waxa la soo daabacayaa buugaagtii, waanan soo bandhigaynaa bishan dabayaaqadeeda, dadkana waa lagu qancinayaa, bisha ololaha doorashada ayaana la qaybinayaa buugaagta barnaamijka xisbiga ololaha kaa horna looguma tala galin in la qaybiyo.”ayuu yidhi xoghaye Xasan Siciid oo u waramay Bulsho Tv.
Xoghaye Xasan Siciid ayaa sheegay inaan barnaamijkani ahayn kii uu hore ololaha ugu galay xisbiga Kulmiye balse wax laga badalay waxaanu yidhi “Barnaamijkii hore wuu diyaarsanaa waana kaas oo la horu mariyey wixii u qabsoomay xisbiga mooyaane wixii kale ee uu ka duulayo ayaana lagu daray.”
Sidoo kale xoghayaha xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay inaanu xisbiga Kulmiye wadin wax olole ah isla markaana ay taageerayaasha xisbigu la soo baxayaan calamada wakhtiyada ay soo dhawaynayaan weftiga xisbiga waxaanu yidhi “Mushkiladaasi way jirtaa markii aanu eegnay maaha xisbiyada Kulmiye iyo Waddani balse dadku iyaga ayaa iska jibaysan oo calamada samaysanaya, meeshii aad tagtana waxaad arkaysaa calamo daadsan, anaguna mad-bacadaha waxaanu amarnay inaanay daabacicin calan uu leeyahay xisbiga Kulmiye oo aan dad loo qaybin, meel ay dadku ka samaysanayaan ma garanayno waana arin dadku iyaga oo jibaysan ay calanka la soo baxayaan, arintaasina waa mid khaldan lamana odhan karo xisbigu sharciga ayuu jabiyey, anaguna waanu u hogaansanahay xeer hoosaadkii loo dhigay doorashada ee anshaxa, wanan ka taxadiraynaa anagu laakiin dadkii ayaan loo taag helayn, Laascaanood ayaa la tagay waaba dadkii oo calamaantii sita, hadana ceerigaabo markaa dadkii iyaga ayaan loo taag helayn anaguna ugumaanu tala galin inaanu sharciga jabino waanan u hogaansanahay guddida doorashada.”