|

Xoghayaha Guud Ee Waddani Faahfaahiyey Ciidamo Sharcidarro ah Oo Xukuumadu Ku Hawllan tahay Samayntooda

Hargeysa:Oct,28,2014(SDN/QJ)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa dhaliilay Ciidanka dhawaan la aasaasi doono ee loogu talo galay inay ilaaliyaan shidaalka dalka laga qodayo, waxana uu soo jeediyey in sharcigoodii la diyaariyo.

UurcaddeMaxamed Cabdilaahi Uurcadde oo saxaafadda kula Hadlay xafiiskiisa, ayaa tilmaamay in xukuumadda looga baahan yahay inay shidaalka dalka laga qodayo ka dhigto mid sharciga waafaqsan oo laga ansixiyey Hay’adaha distooriga ah oo ay Golaha Wakiilladu ugu horreeyaan.

Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inaanay is lahayn muhiimadda uu shidaalku leeyahay iyo sida loo maamulayo oo uu ku tilmaamay mid sharciga ka Baxsan,

“wax walba waxa lagu qabtaa oo lagu bilaabaa waa sharci, shidaalka dalka laga qodayo cid allah iyo cid sharciyeysay oo aan waraaqahaas inanku shandadda ku sito aan ahayni ma jirto, Gole wasiiro, mid baarlamaan iyo mid guurti oo loo geeyey ma jiraan, waana Hanti umadeed, awood iyo awood ilaa sharci loo sameeyo uu ku galo oo uu yidhaahdo ceelal baan qodayaa ma jirto, waana fawdo iyo aniga awood leh waxa maanta dalka laga wadaa.” Ayuu yidhi Xoghaye Uurcadde.

Xoghayaha Guud ee Waddani oo hadalkiisa sii wataa waxa uu xusay inaan loo dulqaadan Karin ciidanka loo samaynayo Ilaalinta shidaalka, waxana uu ku adkaystay inaanay macquul ahayn in wasaaradda Macdantu ay ciidankaas gacanta ku qabato oo ay bilowdo samayntooda iyadoo aan sharcigii lagu maamuli lahaa loo samaynin,

“baadhitaankaas ilaa iyo inta Golaha wakiillada la horkeenayo waa sharci darro oo Kor iyo Hoos baanu u leenahay, waana in sharci iyo nidaam la helaa, sharcigaas ayaana sheegaya wixii uu shidaalku u baahan yahay, laakiin inan yar oo riyoonayaa inuu yidhaahdo ciidan baan qoranayaa oo aan Hub saarayaa oo intaan doonaan qoranayaa oo meel geysanayaa somaliland ka socon mayso.”ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.

Xoghayaha ayaa xukuumada ugu baaqay inay wax ka beddesho siyaasadeedda shidaal Baadhista la ku saabsan, waxana uu u soo jeediyey inay raacdo qaanuunka caalamiga ah ee ay raacaan duwalka dalalkooda shidaalka kala soo baxaa,

“Waxanu Xukuumadda ugu baaqaynaa arrinta shidaalku waa arrin muhiim ah waana inaan lagu ciyaarin, waana si sharciyeysan oo nidaamka dawladaha shidaalka soo saaraa ay maraan loo maro, wixii  shidaalku u baahana ee xeerku jidayeyna markaas la qabto, laakiin  wax aan xeer jidayn dalkan laguma maamuli karo.” Ayuu yidhi xoghaye Uurcadde.

Wasaaradda Macdanta  iyo tamarta somaliland, ayaa ku mashquulsan shidaal baadhis baahsan oo ay ka waddo goobo kala duwan oo dalka ku yaalla, waxana dhawaan madaxweyne siilaanyo soo saaray Wareegto dalka lagaga aasaasaayo ciidamo gaar u noqon doona qodista shidaalka oo magacooda lagu sheegay Oil Protection Unit(OPU),Kuwaas oo aan wali shuruucdii lagu maamuli lahaa la Haynin.

Ciidamada gaarka u ah la dagaallanka argagixisada ee RRU-da loo yaqaano oo ay xukuumadda madaxweyne siilaanyo hore u aasaastay, ayaa waxa shacabku ka keeneen cabasho badan, waxana ilaa iyo  haatan la la’yahay wax sharci ah loo raaco wixii ay geystaan iyo ciddii cabasho ka sheegata midna.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaidiasporanews.com

Comments are closed