Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki Moon oo ereyadii ugu adkaa ku dheleeceeyay xasuuqa Qaza
NY July 31,20149SDN/QJ)-Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon ayaa markii u horeysay hadaladii ugu adkaa ebid ku canbaareeyay weerar lagu duqeeyay mid kale oo ka mida dugsiyada QM ee Qaza ku yaal.
Ciidamada Yuhuuda ayaa gantaal 16 ruux ay ku dhinteen la beegsaday Dugsiga QM eek u yaal xerada Qaxootiga ee Jabaliya.
“in ka badan 3000 oo ruux oo aqaladoodii ka soo baro kacay ayaa ku sugnaa dugsiga QM, waxaan ku canbaareynayaa ereyada ugu adag weerarka Israel ku qaaday dugsiga QM. Waa weerar u baahan la xisaabtan iyo cadaalad, ma jiro wax ka ceeb badan in la weeraro caruur huruda”ayuu yiri Ban Ki Moon.
Dawlada Israel ayaa sheegtay in aaney bar tilmaansan dugsiyada QM balse ay kooxda xamaas gabaadsi ka dhigatay goobtaasi.
SDN/QJ-NY