|

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha cusub ee Somalia u fadhiya UN-ka Yuusuf Garaad

New York 13.November 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Danjiraha cusub ee Somalia u fadhin doona xarunta UNka ee magaalada New York.

yuusuf-garaad1Ban ki Moon ayaa xafiiskiisa magaaladan New York ku qaabilay Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah danjiraha cusub ee Soomaaliya u wakiilatay QM.

“Waxaan uga mahadceliyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda. Waxaan uga mahadceliyay sida inta uu xilka hayay uu Soomaaliya isugu howlay inuu gargaaro xag aadminnimo, xag amni iyo xag siyaasadeedba” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

 

yuusuf-garaad2Waxaa uu intaa ku daray in Ban u moon uu u sheegay in Soomaaliya ay ka soo baxday xiligii ku meel gaar, ayna sameyneyso horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama hey’adaha dowladu ay weli curdan yihiin.

“Waxaan warbixin ka siiyey horumarka xagga siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca doorashooyinka oo dhowaan la dhameystiri doono iyo ballanta Soomaaliya ay higsaneyso oo ah in uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah uu codkiisa dhiibto doorashada 2020” ayuu yiri Yuusuf Garaad

Dhankiisa Xoghayaha Guud ayaa sheegay in Qarammada Midoobay ay u heellan tahay Soomaaliya. Wuxuuna bogaadiyay horumarka laga sameeyay dalka. Isagoo xusay in howlo badani ay weli harsan yihiin si loo helo xasillooni buuxda iyo Dowladnimo si dhammaystiran u hanqaadda. Wuxuuna ku ceceliyay in Qarammada Midoobay ay Soomaaliya garab taagan tahay.

Comments are closed