|

Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo safar kedis ah ku tegay Afgaanistaan

Kabul Mar 14,2012(SDN)-Wasiirka gaashaandhiga ee Mareykanka Leon Panetta ayaa wadanka Afgaanistaan ku taagay booqasho aan hore loo shaacin .

Saraakiisha ayaa sheegay in socdaalkaasi uu ahaa mid lasii qorsheeyey ka hor intaanu askari Mareykan ahi aanu toogasho ku dilin ,16 ruux oo rayid reer Afgaanistaan ahaa maalintii Axadii .

Wasiirka gaashaandhiga ee Mareykanka , waxa uu wadahadalo la leeyahay Madaxweynaha wadankaasi Afgaanistaan Mr. Xaamid Karasaay iyo hogaamiyaasha gobolada , sidoo kale waxaa uu hadal u jeediyey askarta Mareykanka ee ku sugan mandaqada Helmond.

Socdaalka Mr. Panetta ayaa ku soo hagaagatay xilli ay meel xaasaasi ah ay gaadhay xiisada ka dhalatay dilkii uu askariga Mareykanka ahi uu kula kacay dad shacab ahaa oo reer Afgaanistaan ah.

SDN-Kabul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed