Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo Xulufada Sucuudiga u soo Jeediyay inay Waajib tahay Sidii Go’doonka looga qaadi Lahaa dalka Qatar
Washington 15. June 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha difaaca ee dalka maraykanaka Mr: Jeemis Maatis, ayaa ku dhawaaqay in ay haboon tahay gadoonka ay galiyeen dawladaha Sacuudigu hormoodka ka yahay dalka Qatar in ay ka qaadaan, isagoo ku baaqay in khilaafaadka ka dhexeeya dawladahaasi ku dhamaystaan wado hadal diblomaasiyadeed.
Hase ahaatee, wasiirka arrimaha dibada ee dalka Qatar Mr: Craxmaan Maxamed Binu Taani, oo booqasho ku marayey todobaadkan dalalka Yurub oo maanta ku sugan caasimada Ingiriiska ee London, ayaa ku dhawaaqay in ay sharci daro tahay gadoonka ay galiyeen dalkiisa dawladaha uu hormuudka ka yahay Sacuudigu, isagoo ka dalbaday dawladaha reer Yurub in ay ku dirqiyaan Sacuudiga in uu cunaqabataynta ka qaado Qatar.
Gessta kale, xukuumada Marooko ayaa u dirtay dalka Qatar gargaarka deg-dega ah oo diyaaradi sido, iyada oo xukuumada dalkaasi ay si rasmi ah u cadaysay in ayna dhinacna taageersanayn ee uu gargaarkaasi yahay arin samafal.