|

Xoghayaha dawladda hoose ee Saylac oo xaalad gudaha Somaliland la xidhiidha loogu xidhay Jabuuti iyo odayaal maamulka Salal xidhxidhay

Saylac 15.June 2015 (SDN/QJ)- Xoghayaha Dawladda Hoose ee demgada Saylac ee Gobolka Salal Mr. Bashiir Cilmi Rooble iyo odayaal rayidka ah oo reer Somaliland ah, ayaa la sheegay in amar ka soo baxay dawladda Jabuuti loogu kala xidhay magaalooyinka Lawyocaddo ee Somaliland iyo Jabuuti.

Kibaar-SaylacXoghayaha Dawladda hoose ee degmada Saylac Bashiir Cilmi Rooble, ayaa muddo ka badan 48 saacadood ku xidhnaa magaalada Jabuuti oo uu markii hore booqasho ku tagay, balse sida la sheegay lagu qabtay dacwad uu ka gudbiyey Badhasaab Gobolka Salal Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo ay isku aragti ka noqonwaayeen meherado dad shacab ahi lahaayeen oo laga baabiiyey tuulada la yidhaa Xamaam oo u dhaxaysa magaalooyinka Saylac iyo Lawyocaddo.
Xildhibaan Geesh Aaden Bile oo ka tirsan Golaha Deegaanka Saylac oo isagoo ay wehelinayeen siyaasiyiin la kala yidhaa; Maxamuud Cali Xasan iyo Farxaan Maxamed Yuusuf, arrintan uga warramay Jamhuuriya xalay, ayaa xaqiijiyey xadhiga Xoghayaha dawladda hoose oo hadda damiin lagu soo daayey.

“Inkastoo anigu aan hadda joogo Hargeysa, laakiin markii aan la xidhiidhay Saylac waxa la ii sheegay in Xoghayuhu tagay Jabuuti oo uu biro baabuur u doontay, maadaama ay jaar la tahay, kadibna markii uu galay Jabuuti la xidhay gelinkii dambe ee maalintii Khamiista, warka lagu xidhayna uu yahay mid xagga Saylac ka tagay oo maamulka Gobolka Salal ay dacweeyeen, laakiin hadda waa la soo daayey.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Geesh Aadan Bile.

Xildhibaanka oo la waydiiyey waxa uu ku caddaynayo in maamulka Gobolka Salal ka dambeeyey xadhigga Xoghayaha, waxa uu ku jawaabay, “Ninkaasi awalba wuu tagay jiray Jabuuti oo marka wax loo baahdo caadi bay ahayd, waxase Xoghayaha lagu eedeenayey inuu Hargeysa u soo gudbiyey dhacdadii lagu gubay meherado ku yaal tuulada Xamaam oo uu isagu soo duubay xogteeda oo soo gudbiyey, laakiin wax uu soo gudbiyey ma jirin ee wixii iyaguba ay sheegeen ayuun buu isaguna sheegay dhibaatadii halkaa ka dhacday, in la xidhayna waa wax la hubo muddo laba habeen ah. Waxa eedeeyey maamulka Gobolka ee Badhasaabka iyo kooxdiisa oo sheegay in Xoghayuhu ka soo horjeedo in la raro tuulada Xamaamka.”

“Waa khalad iyo dambi in masuul ama qof reer Somaliland ah lagu lagu xidho iyo in lagu dacweeyo Jabuuti, waayo ninkani waa sarkaal dawlad ka tirsan oo haddii cidi dacwaynayso in halkan (Somaliland) lagu xidho ayey ahayd. Warbixinno aan jirin in qofka laga gudbiyo oo cadow laga dhigana maaha,” ayuu yidhi Md. Geesh.

Dhinaca kale, xildhibaanku waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Salal uu xidhxidhay odayaal ka mid ah dadka tuulada Xamaam oo ciidan boolis ahi ku xidheen magaalada Lawyocaddo ee ku taal xadka Somaliland Jabuuti, “Ciidan ayaa ka qaaday odayaasha meesha la yidhaa Xamaam-ka oo geeyey Lawyocaddo, kadibna la leeyahay warqad saxeexa inaad ka guuraysaan oo makhaayadihiina ka raraysaan tuulada, sabab dad deegaankoodii jooga loo yidhaa saxeex warqad meesha aad ka guuraysaana ma jirto, halkaas cidlada ah ayey ku nool yihiin oo Ilaahay ku baryaan.”
Mar la su’aalay sababta dadka tuuladaasi looga rarayo iyo cidda ay dhibaato ku hayso, waxa uu yidhi, “Horta marka sida caadiga ah loo fikiro wixii cid dhib ku haya ama amni-darro in meel laga sameeyo annaguba ma jeclin, dadka deegaanka Gobolka Salal waxay leeyihiin wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiinba dawladda Somaliland ayey ku leeyihiin, haddii xal loo arkayo oo nabadgalyo-darro jirto oo la iswaydiiyo oo dan la moodo iyaga ayaaba loo diri lahaa oo la odhan lahaa arrintu waa sidaas ee ha la yeelo, laakiin sabab millatari iyo boolis loogu adeegsadaa ma taalo. Anigu meeshaasi cidda ay dambi ku tahay ma aqaanno, dadkuna waa shacabka reer Somaliland ah, maamulkii degmada Saylac ee aan anigu ka tirsanaa markaannu waydiinayna waxay yidhaahdeen ma ogin arrintaa. Markaa anigu waxaan soo jeedinayaa in dhibaato meeshaa ka timaad ma wanaagsana ee cidda leh nabadgalyo-darro ayey abuuraysaa waa in la iska arko oo laga wadahadlo oo hadday dan tahay waa la yeeli, laakiin in dadka qoryo loo qaato annagu waanu ka damqanaynaa.”

Tuulada Xamaam ayaa ilo kala duwani sheegeen inay dawladda Jabuuti ka cabatay in lagu kaydiyo ganacsi si kootarobaan ah looga geliyo dalkeeda, kadibna ay ka dalbatay maamulka Gobolka in la baabiiyo, “Yuu ku yahay kootarabaan, ma Somaliland ayuu kootarabaan ku yahay? Waa maya, dadku wixii ku xun iyagaa iska celiya, haddiise Somaliland tanaasulaad samaynayso oo iyadu dan moodaysana dadka si wax loogu sheego ayaa jirta ee maaha in xoog iyo millateri loo adeegsado,” ayuu yidhi Md. Geesh Aaden Bile oo ka jawaabayey su’aal ahayd in ganacsi kootarabaan ah lagu kaydiyo tuuladaasi.

Xadhigga Xoghayaha iyo odayaasha ayaa yimi kadib maalmo uun markii tallaabo la sheegay inuu amarkeeda bixiyey Badhasaabka Salal lagu gubay meherado yaryar oo ku yaalay tuulada Xamaam oo hoos timaada Lawyo-caddo.

Geesta kale, Badhasaabka Gobolka Salal Md. Cabdirisaaq Waabari Rooble oo aannu isku daynay in dhankiisa wax laga waydiiyo eedaymahan loo soo jeediyey, ayaanay noo suurtogelin kadib markii uu qabanwaayey telefoonkiisa gacanta.

Comments are closed