Xoghayaha Dawlada Hoose ee Magaalada Saylac oo Maanta Xilkii kala Wareegay Xoghayihii hore
Saylac 13March.(SDN) Xoghayaha cusub ee dawlada hoose ee degmada saylac ayaa xilkii xoghayanimo kala wareegay xoghayihii hore ee degmada saylac.
Xaflada ay xilka kula kala wareegayeen labadan masuul oo ka dhacday hoolka shirarka ee dawlada hoose ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Salal Cali Alllaale Aryaale maayorka degmada saylac Xuseen Iidle Barkhadle iyo maayorku xigeenkiisa Sacad Daahir Cige,sidoo kale waxaa ka soo qayb galay xafladaasi xil wareejinta ah dhamaan shaqaalaha dawalada hoose ee degmada saylac.
Waxaa ugu horayn halkaasi hadal kooban ka soo jeediayay maayorka degmada saylac xuseen iidle barkhadle oo Sheegay inay Maamul ahaan Soo dhawaynayaan Xoghayaha Cusub ee Dawlada Hoose ee Magaalada Saylac waxaanu balan qaaday inay ka gacan siin doonaan hawlihiisa Shaqo ee dawlada dhexe u soo Igmatay.
Waxaa kale oo goobtaasi ka hadlay maayorku xigeenkii hore ee degmada saylac cismaan muumin care iyo xoghayihii hore ee degmada saylac yaasiin cabdilaahi digaale iyo xog haya cusub ee dawlada hoose ee degmada saylac bashiir cilmi waaberi,iyagoo dhamaantoodba iska daba maray sida ay Xilalka dawladu u yihiin Meerto waxaanay eebe uga baryeen inuu Xoghayaha Cusub ku asturo mas’uuliyada balaadhan ee uu qaaday.
Gabagadii Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Salal Cali Alaale Rayaale oo Madashii Xilwareejinta ka hadlay ayaa u Soo jeediyay Maamulka Golaha deegaanka ee Degmada Saylac inay gacmaha isu qabsadaan horumarinta Magaaladaas isla markaana Xilalkooda u gutaan si Wadaniyad iyo Xilkasnimo leh.
Xoghayahan cusub ayaa noqonaya xoghayihii shanaad ee soomara degmada saylac tan iyo itii ay jirtay dawlada Somaliland,Sidoo kale xoghaye yaasiin cabdilaahi digaale ayaa noqonaya xoghayihii ugu mudada dheeraa soomaalilaanisagoo xilkaasi hayay mudo kabadan 15 sano.
Saylac SDN.