Xoghayaha Cadaaladda WADDANI oo Xukuumadda Ku Dhaliilay in Aanay Dalka u Sameynin Xarun Keyd oo Shacabka Laga Badbaadin Karo Xiliyada Dhibbaayinku Soo Kordhaan
Hargaysa 04. June 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha cadaaladda ee Xisbiga WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ba ku canaantay in maanta aanu dalku lahayn xarun keyd oo laga badbaadin karo shacabka wakhtiyada ay la soo dersaan xanuunada iyo dhibbaatooyinka abaarahu, waxaana uu tilmaamay in uu aad uga xun yahay in ay xaraasheen hantidii umadda isla mar ahaantaana aan la helayn goob keli ah oo wax lagu keydsan karo.
Akhri, qoraal kooban oo uu arrintan kaga hadlaayo oo aanu ka soo xiganay boggiisa Facebook ga. “Tirada guud ee shacabka qaranka somaliland waxa lagu qiyaasaa “3.5 saddex malyan iyo badh” waa aafo iyo ayaan darro qaran in aaney jirin hal hangar oo keyd qaran yaalo Daawo, Raashin, Biyo, iwm. Maanta gobollada somaliland oo dhan hal xarun keyd qaran ahi kuma taal! Hangaradii siyaad barre ka tagayna waa xarumo ganacsi oo xukumaddu iibisay Allow shacabka gobta ah noo bad~baadi.”.Ayuu yidhi Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun.